Baarlmaanka Iiraan oo kulan degdeg ah ka yeeshay dibadbaxyada

Baarlamaanka dalka Iiraan ayaa yeeshay kulan ay albaabada u xirnaayeen si ay uga wadaxaajoodaan mowjadaha dibad baxyada ee looga soo horjeedo dowladda.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo sirdoonka iyo madaxa booliiska ayaa sidoo kale ka qayb galay kulankaasi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan xannibaadaha lagu soo rogay internetka si loo cuburiyo dibadbaxayaasha.

Saraakiisha Iiraaniyiinta ayaa waxay sheegeen in barta Telegram loo isticmaalayay kicinta rasbshado.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo dowoalada ayaa imika u muuqda kuwa yaraaday.

Saraakiisha Ilaalada kacaanka Iiraan ayaa waxay sheegeen in laga adkaaday dibadbaxayaasha.

Waxa ay ku eedeeyeen Mareykanka iyo Sacuudiga in ay huriyeen dibadbaxyada ka dhacay dalka Iiraan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: