Shiinaha: Dad lagu la’yahay maraakiib isku dhacday

hargaysa(raadgoob.com)

32 qof ayaa la lay’ahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib markii Markab ah nooca qaada shidaalka uu ku dhacay Markab kale oo ah kuwa xamuulka qaada.

Shilkan ayaa ka dhacay xeebta bariga dalkaasi Shiinaha.

Markabkani oo ka diiwaangashan dalka Panama ayaa waxa uu siday 136,000 oo tan oo ah shidaal laga leeyahay dalka Iiraan.

Markabkan ayaa la sheegay in uu dab qabsaday ka dib shilkaasi.

Wasaarada gaadiidka ee Shiinaha ayaa sheegtay in dadka la la’yahay ay yihiin shaqaalaha markabka shidaalka siday .

30 ka mid shaqaalaha ayaa waxay u dhasheen dalka Iiraan halka laba kalana ay ka soo jeedaan dalka Bangladesh.

21 qof oo saarnayd markabka ah nooca xamuulka qaada ayaa la soo badbaadiyay sida ay sheegtay wasaarada gaadiidka Shiinaha.

“markabka Sanchi ayaa sabaynaya biayah islamarkana ilaa hadda gubanaya,waxaana sii wadnaa howlaha samatabixinta,”ayaa lagu sheegay bayaanka wasaarada.

Sawiro lagu daabacay barta uu TV-ga Shiinaha ku leeyahay internetka ayaa muujinaya qiiq iyo holac ka baxaya markabkaasi.

Shilka labada Markab ayaa ka dhacay meel 296 km u jirta xeebta Shanghai.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: