Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ee ku wajahan burburinta xasiloonida & dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeedada farmaajo ee ku wajahan qadiyadda madax banaanida somaliland waxaad ka dheehan kartaa xubnaha calooshooda u shaqaystayaasha ah ee uu u xushay xilalka wasiirnimo, beelaha & deegaanada ay ka soo kala jeedaan. Isagoo xooga saaraya saamaynta ay ku yeelan karaan deegaanada somaliland ee ay ka soo kala jeedaan. Isla markaana siyaasadda uu ka duulayaa ka duwantahay siyaasaddii madaxweynayaashii ka horeeyay. Oo iyaga qorshahoodu ahaa oo Kaliya siyaasad ku wajahan dawladihii fadhiidka ahaa ee u kala denbeeyay Somalia mudnaanta siyaasadoodana Somaliland meelna kagamay jirin. Balse siyaasadda farmaajo ee ku wajahan qadiyadda Somaliland way ka duwantahay taa, isagoo hadafkiisa koowaad yahay dagaal qaawan oo uu kula jiro waxyeelaynta madax banaanidda & horumarka ay ku talaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana u marag ah wasiirkii qorshaynta & iskaashiga caalamiga ee maalmo ka hor yimid qaybo ka mida deegaanada gobolka sanaag, waana markii u horeysay ee uu yimaaddo wasiir ka socda xukuumadihii kala denbeyay ee Somalia.

Xaaji Cabdi gahayr alle haw naxariistee oo xili xiliyada ka mida arko mid yar Oo sidan yarkan farmaajo wax u wada wuxuu odhan jirey:-

☆. Hindisaha mareexaan qalbigu, way halcanayaaye.

☆. Siday hooyadaa kuu dhashay ayaan, hawli kuu imane.

☆. Hadhuubkii laguu buuxiyaad, haysataa waliye.

☆. Hubso talada kayntaa yar baa, hadal ka joogaaye.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *