Raadgoob.com
Haweenay guurka ka dooratay dhaqashada dibbigan
January 16, 2018 - Written by admin

gabadha lagu magacaabo Selverani Kanagarasu oo u dhalatay dalka Hindiya, ahna 48 jir waligeed ma aysan guursanin, waxayna guurka ka xulatay daryeelka dibbi ka qeybqaata tartanka hardida ee ka dhaca gobolka ay ku nooshahay ee Tamil Nadu.

Gobolkan waxaa ka jira caaddo qarniyo jirsatay oo lagu tartamayo dibbiyada, kuwaas oo rag badan ay ku loolamaan in ay gacanta ku dhigaan abaalmarin qaali ah oo lagu xiray geesaha dibbiga.

Caado dhaqameedkan waxaa lagu magacaabaa Jallikattu, waxaana dhacday in mar lagu joojiyay amar maxkamadeed kadib markii dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ay dacwo geeyeen, balse go’aankaas waxaa ka dhashay mudaaharaadyo waaweyn oo rabshado wata, taas oo dowladda ku qasabtay in ay fasaxdo.

COMMENTS
Latest News