Raadgoob.com
Macron oo doonaya in UK ay ka caawiso dhibaatada tahriibayaasha
January 16, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Emmanuel Macron wuxuu sheegay in Faransiiska uusan aqbali doonin in xero cusub ay ka dhisanto deegaanka Calais.

Wuxuu hadalkaasi sheegay ka dib markii uu booqday xero ay deggan yihiin dad qaxooti ah oo rajeynaya in ay u gudbaan dhanka UK.

Qiyaastii 700 oo qof oo tahriibayaal ayaa hadda isugu tagay goobta inkastoo xerada looyaqaano The Jungle, la burburiyay sannadkii 2016-kii.

Mr Macron wuxuu sidoo kale wacad ku maray in uu ciqaabi doono askarta sababta u noqota ku xadgudbidda dadka soo galootiga ah.

Khamiista soo socota wuxuu madaxweynaha Faransiiska u safri doonaa Britain, waxaana la filayaa in UK uu ka dalbado in ay si ballaaran u caawiso qaxootiga.

Markiisii ugu horeysay ee uu booqday Calais, Mr Macron wuxuu la kulmay tahriibayaal iyo kooxo caawiya iyo dadka deegaanka iyo maamulka oo dalbaday in ficil la sameeyo sidii looga hortagi lahaa in xeryo kale oo waawayn ay ka dhismaan deegaanka.

COMMENTS
Latest News