Raadgoob.com
Kama aysan Quusan midkii ay Jeclayd!!
January 20, 2018 - Written by admin

Maalin qurux badan bay ahayd Abuul Caas isagoo Faraxsan ayuu u yimi Rasuulkii ilaahay (NNKH), waa inta uusan Waxyigu ku bilaaban Rasuulkeena isla markaasna weli uusan Nabbi noqon, deetana wuxuu ku yiri ”waxaan rabaa gabadhaada curada ah inaan guursado ee ma i siinaysaa?

Rasuulka (NNKH), Wuxuu ku yiri waa inaan marka hore iyada soo waydiiyaa, deetana wuxuu soo abaaray gabadhiisii Saynab (RC) wuxuuna u sheegay warkii uu ina abtigeed la yimi(Abuul caas waxa dhalay khadiijo walaalkeed), Zainab durbadiiba waxay muujisay waji farxad iyo xishood ku gadaamanyahay waxayna aqbashay in loo guuriyo Ina abtigeed deetana halkaas bay ka bilaaban doonta qisada aan maanta idiin wado.

Saynab iyo Abuul Caas waxay noqdeen lamaane aad iskugu faraxsan, jacayl qoys kiisii ugu sareeyay baa u bilowday, waqti badanba kuma qaadan inay laba ilmood u dhashaan oo ay u bixiyeen Cali iyo Cumaama, Halkaas marka ay sheekadoodii maraysay ayuu bilowday waxyigii oo Rasuulkeenuna (NNKH) ku dhawaaqay inuu yahay Nabi ilaahay soo diray.

Abuul Caas magaalada Makkah wuu ka maqnaa marka Nabigu uu waxyigu ku bilaabanayay, kadibna markuu soo noqday wuxuu la kulmay Xaaskiisii oo Muslim Noqotay waa Saynabe, durbadiiba markii uu soo noqday waxay ku salaantay waxaan kuu hayaa war weyn oo aad ku faraxdo, waxayna ku tiri Aabahay wuxuu noqday Nabbi aniguna waxaan noqday Muslimad!! Abuul caas inta uu Istaagay kana dhaqaaqay ayuu yiri maxaad Saynabeey aniga iigu sheegi wayday intaadan Muslim noqon? Halkaas buuna ka bilowday murankii iyo maalmihii madoobaa ee labada lamaane soo kala dhex galay.

Waxay u sheegtay in aysan Aabaheed beenin karin iyo Fariinta uu Allah (swt) noogu soo dhiibay, waxay kaloo u sheegtay in Aabaheed uu yahay ninka ugu daacadsan uguna run badan dhamaan Carab oo dhan, waxayna u sii raacisay in aysan kaligeed Muslim noqon ee sidoo kale gabdhihii walaalaheed ahaa ay Kuli Muslimiin noqdeen in Hooyadeed Khadiija (RC) ay muslim noqotay in Ina adeerkeed Cali Bin Abii Daalib (RC) uu muslin noqday in Xataa isaga ina adeerkii Cusmaan Bin Cafaan (RC) uu Muslin Noqday iyo In saaxiibkii Abuu Bakar Sadiiq (RC) uu Muslim Noqday.

Intaas markuu maqlay inta uu is dajiyay ayuu wuxuu ugu jawaabay ” Aniga ahaan ma rabo in ay dadkaygu i yiraahdaan wuxuu meel uga dhacay dadkiisii wuxuuna dhulka la galay sharaftii Aabayaashii isagoo xaaskiisa qancinaya, Aabahaana waxba ku eedayn mayo marka ma iga raali ahaan kartaa fikirkaygana ma iigu garaabaysaa?”

Waxay ugu jawaabtay ”Hadii aanan anigu ku fahmin oo kaa raali noqon yaa kaloo ku fahmaya, waxaan ahaan doonaa garabkaaga ilaa ay xaqiiqdu qalbigaaga gaarto” Abuul Caas sidii buu Gaal ku ahaa Saynabna ay Muslimad ku ahayd, deetana waxa la soo gaaray waqtigii Hijrada iyo in Muslimiintu u baxaan Madiina, Zainab (RC) waxay u timi Rasuulka (NNKH) waxayna ka codsatay in ay Ninkeeda la joogto Makkah, oo aysan Muslimiinta raacin maadama uusan isagu Muslim ahayn Madiinana uusan iyada u raaci karin, Markaasuu Rasuulkuna (NNKH) ku yiri la joog odaygaaga iyo caruurtaada. raadgoob.com

lasoco qaybta xigta

COMMENTS
Latest News