Raadgoob.com
Maxaa ka jira in guddoomiyaha gobolka Banaadir la doonayo in xilka laga qaado
January 20, 2018 - Written by admin

 

raadgoob.com

howrkii maalmood ee u dambeeyey waxaa aad u soo xoogaysanayey inuu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhinac ah iyo madaxda dawladda Soomaaliya. Khilaafka ayaa la aaminsan yahay inuu dibadda u soo baxay wixii ka dambeeyey subaxnimadii Jimcaha, markaasoo qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu shaaciyey in aan “dhulka dowladda la hibeyn karin, la bixin karin, lana wareejin Karin”.

Qoraalkaas waxaa lagu sii daray “Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay kaddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro [ay jiraan] muwaadiniin iibsad[t]ay ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

Lahaanshaha sawirka Madaxtooyada Soomaaliya
Image caption Qoaraalka Xafiiska Madaxweynaha

Haddaba gobolka banaadir ayaa isna qoraal soo saaray uu kaga jawaabayo kan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dulucda qoraalka ayaa ah in aysan jirin dhul ay wasaarad leedahay oo gobolka Banaadir iyo dawladda hoose ee xamar ay bixiyeen.

Waxaa kale oo qoraalkaas ku qoran in aysan xafiiska madaxweynaha ka soo gaarin fasax bixin dhul dan guud ah, dawladda hoose ee Muqdishana aysan samayn wax takri fal ah.

Lahaanshaha sawirka Gobolka Banaadir
Image caption Bogga 1aad ee warqadda ka soo baxday Gobolka Banaadir
Lahaanshaha sawirka Gobolka Banaadir
Image caption Bogga 2aad ee warqadda ka soo baxday Gobolka Banaadir
Lahaanshaha sawirka Gobolka Banaadir
Image caption Bogga 3aad ee warqadda ka soo baxday Gobolka Banaadir

Qoraallada la is dhaafsaday ka sokow, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed, wuxuu aad ugu ololaynayey in la qabto shir looga hadlo maqaamka caasimadda, kaasoo ay ku taageersanaayeen beelaha u badan Muqdisho qaarkood.

Ugu yaraan mar ayaa la hubaa in uu shirkaas baaqday, sababo loo malayanayo in ay la xiriiraan wadatashiyada qabsoomidiisa oo aan la isku af garan.

Waa halkaas meesha dadka arrintan u dhuun-daloola ay rumaysan yihiin inay sartu ka quruntay, oo lagu kala booday.

Shalay, xalay iyo maanataba shirar is daba joog ah ayaa socday, kuwaasoo ay yeelanayeen odayaal beesha uu guddoomiyaha gobolka ka soo jeedo ka tirsan oo dhinac ah, iyo kulammo iyaguna ka dhacayey madaxtooyada Soomaaliya.

Oday dhaqameedyada shirayey qoraalka hoose ayey soo saareen

COMMENTS
Latest News