Muuse Biixi oo ka hadlaya dagaalka Tukaraq: ‘In aan C/weli la hadlo faragalin baan u arkaa

sagoo warbaahinta kala hadlayay xiisadda colaadeed ee aagga Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo kuwa Puntland, ayuu Madaxweyne Muuse Biixi sheegay in uu u arko Puntland inay tahay qayb Soomaaliya ka mid ah, oo uusan doonayn inuu Cabdiweli gaas si toos ah ugala hadlo.

Waa markii ugu horraysay ee uu shir jaraa’id qabto, tan iyo markii xafiiska loo dhaariyey 13 Disembar, 2017.

Wuxuu kaloo Muuse Biixi ka hadlay wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland u socday, abaar ka jirta qaybo ka mid ah Somaliland iyo arrimo kale.

Shirkaasi jaraa’id ka dib ayuu Mr Biixi wuxuu siiyay wareysi BBC-da. weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wareystay ayaa ugu horeyn wuxuu madaxweyne Muuse Biixi wax ka weydiiyay xiisadda colaadeed ee haatan ka taagan Tukaraq.

Mowduucyada la xiriira




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: