Injineer Yariisow oo loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow).

Warkan ayaa lagu shaaciyay bayaan uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo lagu baahiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee Sonna.

Warka Sonna ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu go’aankan gaaray kaddib markii uu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, wadatashina uu la sameeyay, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed, ayaanan ilaa iyo hadda wax war ah arrintan ka soo saarin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: