Akshay Kumar oo taageerayaashiisa Soomaalida la hadlay

hargaysa(raadgoob.com)

Atooraha caanka ee dalka Hindiya Akshay Kumar ayaa markii ugu horeysay fariin usoo direy taageerayaashiisa Soomaalida xili uu wareysi siinayay BBC Somali.

Soomaalida oo ah dad aad u daawda aflaamta hindiga laga soo bilaabo sanadihii 1970-meeyadii ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa ay jecelyihiin atoorayaasha Hindiga, gaar ahaan Akshay Kumar oo caan ku ah filimaadka jacaylka.

Wariyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato ayaa Akshay weeydiiyay in uu ka warhayo in aflaamtiisa laga daawdo Soomaaliya, wuxuuna yiri “Runtii ma aanan ogeyn in ay Soomaalida i daawadaan, balse arrintaas waan ku faraxsanahay, waxaanan rajaynayaa in aan mar imaado Soomaaliya” .

Akshay ayaa Soomaalida ka codsaday in ay daawdaan filimkiisa cusub ee Padman, islamarkaasna uu iman doono Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: