Gabadh xijaabka wax ku xayiisiisa oo isaga baxday barnaamij xayiisiin timaha ah

hargaysa(raadgoob..com)

Turkiga ayaa Mareykanka ku baraarujiyay in uu joojiyo taageerida uu siiyo Kurdiyiinta YPG ee Suuriya. Wuxuuna sare u sii qaaday duullaanka uu ku hayo malleeshiyada oo ka dagaallanta Waqooyiga dalka Suuriya.

Afhayeen u hadlay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kooxda YPG ay hubka Mareykanka ay ka hesho u adeegsato ciidammada gobolka Cafrin nadiifinaya.

Turkiga ayaa sheegay in YPG ay tahay garab ka tirsan ururka PKK oo ka dagaallama gobolka Kurdiyiinta eeTurkiga, waxayna ku tilmaamtay in ay argagixiso yihiin.

Balse YPG ayaa beenisay in wax xiriir toos ah uu kala dhexeeyo PKK.

Malleeshiyada oo maamusha deegaanno badan oo ka tirsan Waqooyi-Bari Suuriya, waxay xulafo muhiim ah Mareykanka ka la yihiin dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay dowladda Islaamka.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ayaa kullan Isniintii dhacay uga wada xaajooday duullaanka sii kordhaya ee Turkiga, balse muusan cambaareyn.

Xukuumadda Ankara waxay hadda dalbaneysaa in la joojiyo is xulafeysiga Mareykanka iyo YPG ka dhexeya. Maamulka Erdogan wuxuu ku doodayaa in uu dhammaaday dagaalka lagula jiro ururka la baxay dowladda Islaamka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: