Raadgoob.com
Suuqa Kala Iibsiga Bisha January 2018
January 24, 2018 - Written by admin

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janunary ayaa galay maalmihiisii ugu danbeeyay waxayna kooxaha Yurub ugu waa wayni haddaba diirada ku hayaan in ay la soo saxiixdaan ciyaartoy ay u arkaan in ay safafka kooxahooda xoojin u noqon karaan, laakiin sidoo kale waxaa jira kooxo doonaya in ay iska iibiyaan ciyaartoy aan muhiim ka ahayn qorshahooda xili ciyaareedka waxaana la filayaa in ay jiri doonaan saxiixyo muhiim ah oo lala kala wareegi doono. Hadda waxaa la sameeyay saxiixyo qaali ah balse wali waxaa la filayaa in ay kuwo kale jiri doonaan.

Philippe Coutinho oo tan iyo suuqii xagaagii si wayn loola xidhiidhinayay Barcelona ayaa ugu danbayn ku wareegay lacagtii labaad ee abid ugu badnayd ee uu ciyaartoy koox kale ugu wareegay waxayna hadda Liverpool suuqa ugu jirtaa badalkiisa. Laakiin sidoo kale waxaa ugu danbayn la dhamaystiray heshiisyadii Alexis Sanchez ee Man United iyo Henrikh Mkhitaryan ee Arsenal oo maalmihii ugu danbeeyay saxaafada si wayn u haystay.

COMMENTS
Latest News