Meydadka muhaajiriin badan oo laga soo saaray xeebaha ku dhaw dalka Maroko

Meydadka ugu yaraan 20 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray badda xeebaha Melilla oo ah dhul yar oo ku yaalla Spain balse ku dhaw dalka dariska la ah Moroko.

Kooxaha samtabixinta ee waddanka Moroko ayaa soo saaray meydadka kaddib markii shaqaalaha rakaabkii saarnaa doonta ay ku daateen badda.

Dadka dhintay ayaa la rumeysan yahay inay ahaayeen muhaajiriin kasoo jeeda dalalka ku yaalla saxaraha Afrika.

Waxaa loo maleynayaa dadkaan inay rajeynayeen inay gaaraan dalalka Yurub iyaga oo doonayay inay ku xirtaan xeebta Melilla, inkasta oo digniino ah inay dhicikaraan dabeylo xooggan ay ku wargaliyeen maamulka gobolka.

Gobolkaan Melilla, ayaa ah goobta ugu weyn ee muhaajiriinta shaqa doonka ah ama magangalya doonka ay uga gudbaan dalalka Yurub.

Melila iyo deegaanka kale ee Ceuta ayaa ah dhulka keliya ee xadka la leh Afrika oo ku yaalla Spain, halkaasi oo muhaajiriintu ay uga gubdaan Yurub.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: