ANC oo ka shirtay kala wareega Zuma iyo Ramaphosa

hargasaya. raadgoob.com.

Xisbiga talada haya ee Koonfur Afrika e ANC ayaa lagu soo waramayaa in uu cadaadis culus saarayo madaxweynaha dalkaas Jacob Zuma in uu xilka ka dego.

War saxaafadeed kasoo baxay xisbiga kadib kulan ay yeesheen lixda golaha sare ayay ku sheegeen in looga wada hadlay sidii loo maamuli lahaa ‘kala wareega xukunka’ ee u dhaxeeya Zuma iyo Ramahosa.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ku adkaysanayo in uusan xilka ka degin.

Zuma ayaa madaxweyne noqday sanadkii 2009-kii kadib markii labo sano xiligaas ka hor uu noqday madaxweynaha xisbiga.

Maalinta arbacada waxaa kulmaya golaha dhexe ee ANC oo ka tiro badan lixda golaha sare, waxayna go’aan ka gaari doonaan mustaqbalka Zuma.

Haddii uu diido go’aanka xisbiga in uu u hoggaansamo, waxa si sahlan xisbiga uu baarlamaanka u meelmarin karaa codka kalsooni darada.

Zuma ayaa halgankii Koonfur Afrika loo galay ku muteystay xabsi dheer.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: