Raadgoob.com
Qaar Ka Mid Ah Jamaahiirta Gunners Oo Dareen Cadho Leh Ka Muujiyay Hadalka Xidiga Tottenham.
February 6, 2018 - Written by admin

hargaysa.raadgoob.com.

Xidiga reer Engaland ee Harry Kane ayaa wuxuu bandhig aad u wanaagsan uu ka sameeyay labadii xili ciyaareedyadii ee lasoo dhaafay safka kooxd Tottenham Hotspur, isagoo dhinaca kale ku guuleystay inuu hogaanka u qabto xili ciyaareedkan liiska xidigaha ugu goolasha badan xili ciyaareedkan horyaalka Premier League-ga wuxuuna ku hor kacayaa 22 gool, Kane ayaana haatan ka mid ah xidigaha bartilmaameedka xoogan u ah kooxaha waaweyn ee qaarada yurub.

Weeraryahanka reer England ayaa wuxuu waayihiisa kubada cagta soo maray akaadiimiyada kooxda Arsenal waayihiisii caruurnimo, laakiin waxay go’aansadeen inay iska fasaxaan isagoo jira da’aada 8-aad, Harry Kane ayaanan wali maskaxdiisa ka baxin go’aanka uu kaga dhaqaaqay Gunners marka uu yaraa, wuxuuna kulan kasta uu ka hor yimaado isku dayi jiray sida uu ku muujin lahaa bandhig cajiib ah, si uu u dareensiiyo go’aankii ay qaateen inuu ahaa mid gabi ahaanba qaldan.

Harry Kane oo ka hadlayay kasoo bixistiisii kooxda Arsenal marka uu yaraa ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan xasuustaa markii iigu horeesay ee aan la ciyaaray Arsenal, waxaan ka carooday cadaalad darada aan xiligaas la kulmay, waxay u muuqan kartaa wax laga xumaado, waxaan ahaa 8 sano jir, marka ay iga soo saareen akaadiimayada kooxda Arsenal, laakiin wixii xiligaas ka dambeeyay mar walba ee aan kahor imaanayo waxaan isku dayi jiray sida aan kusoo bandhigi lahaa awoodeyda ciyaareed si aan u dareen siiyo inay qalad ku ahayd inay iga soo saaraan akaadiimiyada kooxda Gunners”.

Weeraryahankan oo horyaalka Premier League-ga ka dhaliyay 100 gool ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Marka aan soo xasuusto arintan xiligan la joogo, waxay ila noqotaa inay ahayd dhacdadii iigu fiicneed ee aan lasoo kulmay, sababtoo ah waxaan ka dhaxlay dhiirigelin  aan waligay hore u laheyn”.

Hadalkan kasoo yeedhay xidiga reer Engaland iyo kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa wuxuu dareen cadho leh ku beeray qaar ka mid ah jamaahiirta kooxda Arsenal, balse su’aasha taagan ayaa ah miyuu hadalkan kasoo yeedhay Kane uu yahay miduu ku xumeenayo kooxda Gunners?.

COMMENTS
Latest News