Raadgoob.com
Dayax-gacmeedkii ugu weynaa oo hawada loo direy
February 7, 2018 - Written by admin

Waxaa la ganay dayax-gacmeed cusub oo la sheegay in uu yahay kan ugu weyn adduunka, balse cidda dirtay ma ahan hay’adda cirbixiyeenada Maraykanka ee NASA, ee waa nin bilyan dheer ah oo lagu magacaabo Elon Musk, kaas oo muddo ka shaqaynayay hawshan.

Shirkadda Space X oo uu Mr Musk leeyahay ayaa mas’uul ka ah dayacgacmeedkan oo aysan wax cillad ah qabsanin markii hawada loo dirayay si ka duwan sidii la filayay.

Gayac-gacmeedkan oo lagu magacaabo Falcon Heavy ayaa ah qalabkii ugu cuslaa, uguna weynaa ee ebed hawada loo diro.

Horey hay’adda NASA oo kaliya iyo kuwa la mid ah ee dalalka kale ayaa hawada u diri karay dayac-gacmeed oo ay sheey qaali ah samayntiisa iyo maamulistiisa.

COMMENTS
Latest News