Wasiirka Caafimaadka Oo Xilkii Ka Qaaday Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Caafimaadka Ee Gobolka Awdal

Wasiirka caafimaadka somaliland Dr.Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa xilkii ka qaaday qaar ka mid ah masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka Awdal.

Wasiirka caafimaadka ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii cusbitaalka magaalada Boorama Dr. Ismaaciil xaaji Muxumed, kaas oo maamulka cusbitaalkaas gacanta ku hayey mudo aad u badan, waxaanu u soo magacabaay in Dr. Cabdisalaan Cismaan Jaamac uu noqdo agaasimaha cusub ee cusbitaalka magaalada Boorama.

Sidoo kale wasiirka caafimaadka ayaa xilkii ka qaaday madaxii xarumaha caafimaadka ee gobolka Awdal Maxamed Xaaji Cumar Yaabe, iyada oo lagu badalay Dr. Maxamed Axmed Faarax.

Wasiirka caafimaadka somaliland ayaan wareegtadiisa ku soo bandhigin sababaha keenay in la badalo masuuliyiinta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: