Raadgoob.com
Maxaabiis lagu wado in laga sii daayo xabsiga dhexe ee Jigjiga
February 22, 2018 - Written by admin

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa in maanta ay xabsiga ka sii daayaan maxaabiis kor u dhaafaysa 1500.

Maxaabiistan ayaa lagu wadaa in laga siidaayo xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga oo ah magaalo madaxda gobolka.

Waxaa ka mid ah maxaaabiista la siidaynayo kuwa arrimo siyaasadeed u xirnaa.

Wariyaha BBC uga soo waramada magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maxaabiista maanta lagu wado in la sii daayo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan jabhadda ONLF.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda dhexe ee Itoobiya ay dhawaan xabsiga Addis Ababa ka sii daysay maxaabiis u xirxirnaa dhanka siyaasadda.

Dalka Itoobiya saddexdii sano ee ugu dambaysay waxaa ka socday dibadbaxyo qaarkood rabshado watay oo looga so horjeedo dowladda.

Dibadbaxaydan oo intooda badan ka dhacay gobolada Amxaarada iyo Oramada ayaa waxaa lagu dalbanayay isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaaale.

Maalmo ka hor ayay dowladda Itoobiya soo rogtay xaalad deg deg ah oo socon doonto muddo lix bilood ah.

COMMENTS
Latest News