Fala qaynta jimcha : Yuu noqon doonaa ra’iisal wasaaraha xiga ee Itoobiya?

toobiya, oo ah dalka labaad ee uggu dadka badan qaaradda Afrika, dhaqaalihiisuna waa yadan danbe si xoog leh u soo kobcayey, ayaa gilgishay toddobaadkii lasoo dhaafey.

Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyey ee dalka Itoobiya Hailemariam Degalegn, ayaa si lama filaan isu casiley. Wuxu talada dalkaasi hayey shantii sano ee lasoo dhaafey.

Maalintii is casilaadda ka danbeysana, waxaa dalkaasi lagu soo rogey xaalad deg dega.

Qoraal laga aqriyey iddaacadda dowladda, ayaa lagu sheegay in talaabadda la qaadey loo arkey, iney lagama maarmaan u tahay in lagu hor istaago mowjadaha dibadbaxyada lagaga soo horjeedo dowladda Itoobiya ee dalkaasi ka socda.

Boqolaal qof ayaa ku dhintey qulqulatooyinka kasocda dalkaasi saddexdii sano ee uggu danbeeyey, waana amrkii labaad oo xaalad deg dega dalkaasi la geliyo labadii sano ee lasoo dhaafay.

Maxey xaaladda degdega baajin kartaa?

  • Diyaarinta ama daabacaadda warar keeni kara rabshado iyo shaki.
  • Soo bandhigista ama xayeeysiinta astaamo kicin kara qalalaase.
  • Banaanbax noocuu rabo ha noqdee ay sameeyeen koox abaabulan.
  • In dibedbaxayda ay sababaan in adeegyada dowladda ay hakad galaan.
  • In banaanbax yada loogga soo horjeedo dowladda ay carqaladeeyaan habsami u socodka ganacsiga maalinlaha ah.

Dowladda ayaa sidoo kale xor u ah inay xirto warbaahinta kuna soo rogta dadweynaha Bandow.

Inta ay socoto xaaladda deg degga ah, qofkii lagu arko inuu ku qasbayo goobaha ganacsiga iney xiraan, inuu wajihi doono maxkamadeyn.

Maxaa xaaladda degdega looggu dhawaaqey?

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Muddaaharaadyo ayaa ka socday Itoobiya saddexdii sano ee la soo dhaafay

Dowladdu waxay sheegtay saddex arrimood:

  • In la hubiyo xasilinta nabadda iyo siyaasadda.
  • In laga fal celiyo is casilaaddii ra’iisal wasaraha.
  • In la fududeeyo xiliga kala guurka habkii awoodda lagula kala wareegi lahaa.

Boqolaal maxaabiis ah oo laga sii daayay xabsiga dhexe ee Jigjiga

Soomaalida oo labo wasiir ku yeelatay golaha wasiirada Itoobiya

Si kastaba ha ahaatee, khuburada qaadaa dhigta siyaasadda, ayaa tilmaamey in xaaladda deg dega aaney ku qotomin sharciyad, halka sheegashada dajintuna ay tahay mid aan sax aheyn.

Dadka arrimaha bulshada u dhaq dhaqaaqa ee dalkaasi u dhashey, ayaa ka walaacsan in dowladdu talaabadan ay qaadey ay uga sii darto xaaladdii awalba cakirneyd.

Bishii January, mas’uuliyiinta ayaa kasii daayay xabsiyada 3,000 oo maxaabiisa, kuwaasoo isugu jira siyaasiyiin iyo wariyeyaal, waxaa qeyb ka ahaa hoggaamiyeyaal mucaarada sida Bekele Gerba, Merera Gudina iyo Andualem Arage.

Image caption Hogaamiyaha mucaaradka Merera Gudina ayaa ah mas’uulkii ugu sareeyay ee illaa iyo hadda la soo daayey

Laakiin madaxda ayaa sheegtay in cafiska loogga jeedo abuuridda jawi wanaagsan oo la isla jaan qaadi karo, taasoo lagu gaaro kaqeyb gal dimuqraadiyadeed oo balaaran.

Dad kasoo horjeeda Itoobiya, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamey sheegashada dowladda, iyadoo ku andacoodey in taasi tahay hadal macaan oo aan afka baarkiisa dhaafsiisneyn.

Maxaa iska badalay nolosha tan iyo markii la soo rogay xaaladda degdega ah?

Guud ahaan dalka inta badan nolosha waxba iskama badalin.

Caasimadda Addis Ababa, dukaamadu wey furan yihiin, dadkuna waxey ku mashquulsan yihiin soo dhacsashada quutul daruuriga.

Laakiin meelaha qaarkood ee ismaamulka Amxaarada, dadku way ku gacan seyreen iney u hoggaan samaan amarka dowladda, iyagoo xir xirey goobahooda ganacsiga, hakiyeyna adeegyadii isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

Dowladda ayaa falkan ka jawaabtey, iyadoo ku qasabtay ganacstada inay dib u furan dukaamadooda.

Sidoo kale, is maamulka Oromia ayaa isna dadka ku dhaqan waxey iska diideen iney u hoggaan samaan awaamiirta dowladda, iyadoo dad tiradoodu badan tahay ay isugu soo baxeen si ay usoo dhaweeyaan maxaabiistii la sii daayey.

Muxuu ra’iisal wasaaruhu isu casiley?

Isbaheysiga haya talada ee EPRDF, waa mid hawlihiisu yihiin qarsoodi, waxaana aad u adag dhabtii in aad ogaato waxa ka dhex socda xisbiga dhexdiisa.

Ha yeeshee illaa iyo intii uu qabtay talada dalkaasi Hailemariam Desalegn, qaar kamid ah madaxda dalkaasi ee ay isku xisbiga yihiin, ayaa ku eedeeyey inuu ahaa nin jilicsan hoggaamintiisuna wanaagsaneyn.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hailemariam Desalegn ayaa ahaa ra’iisalwasaaraha itoobiya tan iyo 2012

Is casilaaddiisa waxey u gogol xaari kartaa in isbaheysiga salka balaaran ee talada haya ay keenaan hoggaamiye ad adag, ama waxaa soo shaac bixi karta kala qeyb sanaan ka dhex jirta isbaheysiga, oo ku saleysan goboleysi.

Waxey si gaar ahaaneed xifaaltanka ugga dhex muuqdaa dhinacyada xisbiga Tigreega (TPLF), kaasoo loo arkey mid wiiqayey xisbiyada kale galaan gal weyna leh, halka kan kale ee Oromada (OPDO) isna uu noqday waa yadan danbe mid ay isa soo tareyso sare u kaca kuyimid awooddiisa.

Ku badalidda Mr Hailemariam qof kale oo u dhashey qowmiyadda Oromada, waxey noqon kartaa mid kamid ah talaabooyinka lagu xalin karo dalabka banaan baxayaasha Oromada, kuwaasoo ku eedeeyey dowladda iney gacan bidixeysay.

Itoobiya waligeed muusan hoggaaminin ra’iisal wasaare Oromo ah, inkastoo ay yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka Itoobiya.

Mareykanka oo ka walaacsan dibadbaxayda ka billowday Itoobiya


Qowmiyadaha ay Ethiopia ka kooban tahay:

  • Oromo – 34.4%
  • Amxaara – 27%
  • Soomaali – 6.2%
  • Tigray – 6.1%
  • Kuwa kale – 26.3%

Source: CIA World Factbook estimates from 2007


Yaa noqon doona ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya?

Lemmy Megersa, oo ah madaxa is maamulka Oromada, sidoo kalana hoggaamiya xisbiga OPDO, wuxuu kamid yahay dadka ugu cad cad ee laga yaabo inuu noqdo ra’iisal wasaare.

Kuwa kale ee la filayo, waxaa iyana kamid ah Debretsiyon Gebremikael oo katirsan xisbiga TPLF, iyo Demeke Makonnin oo kasocda dhaq dhaqaaqa qaran ee Amxaaradda ee dimuqraadiyadda iyo Abiyi Ahmed, oo isna katirsan OPDO.

Dhammaan saddexdan xisbi waxey katirsan yihiin isbaheysiga balaaran ee xukunka dalkaasi haya ee EPRDF.

Maxey dadweynuhu u banaan baxayaan?

Waxaa jira tabashooyin dhawr ah oo keenay banaanbaxyada ka socda Itoobiya saddexdii sano ee ugu danbeeyey.

  • Oromo badan ayaa qabta in siyaasad, dhaqaale iyo dhaqan ahaanba la gacan bidixeeyey sanado aad u tiro badan, iyagoo haddana ah qowmiyadda wadanka uggu tirada badan.
  • Sidoo kale, qaar kamid ah qowmiyadda Amxaarada, ayaa iyaguna ka cawdey in qowmiyadda tirada yar ee Tigreega ay intii badneyd xukunka marooqsatey.
  • Kooxaha mucaaradka iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha, ayaa ka doonaya isbaheysiga EPRDF awoodaha badan ee ay gacanta iyagu kuheystaan qaarkood iney wareejiyaan, una oggolaadaan hey’addaha kala duwan iney si xor ah u shaqeeyaan, oo aan juujuub iyo caga lugleyn lagu sameyn.
  • Dadka kudhaqan dalka ayaa ka cawdey xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka, sida xarig, jirdil iyo dil ka baxsan hannaanka garsoorka, oo lagula kaco siyaasiinta mucaaradka.
  • Dhulka la dhaco iyo barakicinta dadka, iyagoon la siin magdhaw. waa mid kamid ah arrimaha kiciyey banaan baxyada, ka gadaal markii lagu dhaqaaqey qorshe lagu balaarinayey soohdimaha caasimadda Addis Ababa, kaasoo u talaabay is maamulka Oromada, inkastoo markii danbe qorshaha balaarinta laga noqday.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: