Raadgoob.com
Dalkan Afar beelood oo Ladhaho kaligood isaaq ayaa magac iyo manfacba haysta Aragtida jamac Hilaac
March 13, 2018 - Written by admin

Dalkan Afar beelood oo Ladhaho kaligood isaaq ayaa magac iyo manfacba haysta

Aragtida jamac Hilaac

Distoorka jamuuriyadda Somaliland oo ah mid madaxda loo igmaday aanay xushmayn( unrespected constitution) wuxu tilmaamayaa in beelihii daganaa Dalkan ka hor maxmiyadii
Engiriiska (Somaliland British protectorate).
Ayihiin muwaadiniinta rasmiga ah sida beelaha samaroon ,ciise,harti ,gabooye iyo isaaq iyo kuwa kale oo aan codkooda lamaqal(voiceless communities) beelahaaas oo dhamaantood leh xuquuqsiman ee distoorka,xeerarka iyo sharciga hortiisa .

Distoorka Somaliland kumataalo saami qaybsi iyo sad bursi iyo beel,ama beello u gaar ah kaasoo lagu boobay magac qabiil oo La wadaago
( Garcadaalada dadka maqashii sharcigana dumi dulmidiidoow dulidoonaan aragnee) Abwaan yuusuf Adam
Dalkan afarbeelood oo ladhaho kaligood isaaq ayaa magac iyo manafacaadba kaligood haysta Ku waaso isdulmay,dadka dulmay dalka dulmay anagana nadulmay , beelahan oo inta badan mindida daabkeeda haysta (handled the knife) ayaa 27kii sanadood ee la soo dhaafay takoor (discriminate) Ku haya afarta beelood ee kale ee ay walaalahayihiin una diidan xaqa ay u leeyihiin ina ay helaan fursado La mid ah Ku wa ay haystaan ee marka laga hadlayo xuquuda siyaasadeed ,dhaqaale iyo fursadaha shaqo (dulmidiidoow dulmi doonaad noqotee)

Waxaan qirayaa in cabashada beelaha darafyadu tahay mid jirta balse taa macnaheedu maha in qabaailka isaaq wadahaystaan saamiga ay beelaha darafyadu tabayaan.

Waxaan soo dhawaynayaa in la furo distoorka Laguna sameeyo kaabis iyo wax ka badal sax ah iyo in qabaailka Somaliland helaan saami qaybsi laguwada qanco siloo helo qaran ,dawlad iyo dal lawada leeyahay sidalkan dib loogu dhisi karo.

Allahi joogay baa jira
Jaamac Hilaac

COMMENTS
Latest News