Raadgoob.com
Faashilkii Hore Ee Arsenal Oo Jaa’sada Bilaha Ee Horyaalka Ligue 1ka Faransa Ku Garaacday Neymar
March 13, 2018 - Written by admin

Daafaca middig ee dambe waxaa iska fasaxday Arsenal bishii January kaddib markii uu saddex sano oo adkaa kula qaatay Premier League.

Mathieu Debuchy waxa uu uga adkaaday Neymar laacibka bisha ee horyaalka heerka kowaad ee Faransa.

Laacibka u dhashay Faransa waxa uu 30 jeer u saftay Gunners waxaana ku jira 7 ciyaarood oo xilliciyaareedkan ah kaddib markii uu sanadkii 2014 kaga soo biiray Newcastle oo ay siisay  £12million.

Laakiin ilaa iyo markii uu ku biiray Saint-Etienne laacibka jira 32 sano waxa uu ahaa mid qaab ciyaareed wanaagsan helay waxa uuna dhaliyey laba gool lix ciyaarood oo uu kooxda u ciyaaray ilaa iyo bishii Febraury.

Kooxda ka dhisan Faransa waxa ay ka bad baaday boosaska heerka labaad loogu noqdo iyada oo soo fuushay kaalinta 11naad xilli ay ka soo wada badisay over Amiens iyo Angers iyo waliba ay bareejooyin ka heshay Marseille iyo Lyon.

Laacibka reer Brazil ee Neymar iyo boortaha Montpellier Benjamin Lecomte ayaa u sharraxnaa jaa’isada bishii Feruary kahor inta uusan Neymar dhaawacmin.

Hadda waxa uu dalkiisa Brazil ku naash naashayaa dhaawii soo gaadhay si uu taam ugu noqdo koobka aduunka.

 

COMMENTS
Latest News