Raadgoob.com
Mezut Ozil Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Uu U Saxiixay Qandaraaska Cusub Ee Arsenal
March 13, 2018 - Written by admin

Laacibka khadka dhexe ee Arsenal Mezut Ozil ayaa daboolka ka qaaday sababtii uu qandaraaska cusub ugu saxixay Arseanl.

Ozil waxa uu sheegay in reerkiisa ay kaalin muhiim ah ka qaateen in uu kordhiyo mudada uu joogayo kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Laacibka reer Germany ayaa dhawaan soo gaba gabaeeyey shaki badan oo ku jiray mustaqbalkiisa kaddi markii uu saxiixay qandraas cusub isaga oo sidaas ku noqday laacibka ugu mushahaarka badan kooxda.

Kooxaha Manchester United, Inter iyo Paris Saint-Germain iyo kuwo aan la magacaabay oo ka ciyaara horyaalka China ayaa xiiseenayey 29 sano jirka laakiin Ozil waxa uu go’aansaday in uu joogo xilli uu la tashi la sameeyey qoyskiisa.

“Wa dareen fiican,”ayuu u sheegay ciyaaryahan Arsenal ka tirsan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u saxiixo kooxd sida Arsenal u weyn.

“Mar walba kooxda waxaan u sheegi jiray in aan halkan ku faraxsanahay hadana waan saxiixay, runti waan faraxsanahay.

“Ciyaaryahanada aan kooxda ka wada tirsanahay iyo qoyskeyga mar walba wey I garab istagagi jireen. Hadafyo badan ayaan kooxda halkan kula wadaagaa, in aan kuwaas gaaro ayaa rabaa aad ayaana runtii u faraxsanahay. Magaalada waan jeclahay.

“Kahor inta aan saxiixin qandaraaska, waxaan la hadlay qoyskeyga si aan go’aanka saxda ah ee ii fiican u weydiiyo.

“Ugu dambeyn, runtii aad ayey iigu fududeyd in aan kooxda ku dhaho ‘Haa”. Halkan sano badan ayaan joogaa waxaana rajeyeneynayaa in aan koobab badan ku guuleysanno. Taas waan aaminsanahay.”

COMMENTS
Latest News