Raadgoob.com
War DEG DEG Ah: Aqalka Sare ee Golaha shacabka Somaliya oo ku kala Aragti duwanaa day doodda xeerkii uu ka soo saaray shirkadda DP World
March 14, 2018 - Written by admin

 –Xildhibaannada Aqalka sare ayaa lagu waramayaa in ugu danbeyntii ay kula tageen kulan muddo dheer qaatey oo looga dooddayay go’aanka Aqalka sare uu ka qaadanayo Xeerkii maalin ka hor xildhibaannada Golaha shacabka isku raaceen ee ka dhanka ahaa shirkadda DP World.

Mudanayaasha Aqalka sare ayaa la sheegay in dooda arintan ku saabsan siweyn isugu khilaafeen, iyaga oo markii danbe xitaa isku afgaran waayay waqtiga go’aan ka gaarista qodobka.

Kulanka xidlhibaannada Aqalka sare oo siweyn isha loogu wada hayay ayaa u muuqda mid ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo la filayay in goluhu ku raaci doono baarlamaanka Soomaaliya go’aankii uu qaatay shirkadda laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ee DP World.

Balse guddoonka Aqalka sare ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan doodda arintan ku saabsan todobaadyada soo socda.

COMMENTS
Latest News