Raadgoob.com
Gudoomiye Ku Xigeenka Koowad Ee Golaha Shacbka Soomaliya Oo Si Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Xildhibaanada Ka Tirsan Golaha Ee Ku Maqan..
March 21, 2018 - Written by admin

Muqdisho(Raadgoo) Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa u yeerdhay xildhibaannada Soomaaliya ee ku maqan dalka dibediisa, iyadoo dhawaan la filayo in loo codeeyo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka.

Cabdiwali Muudeey ayaa sheegay Xildhibaanada safarada dheer ku maqan iyo kuwa kaleba inuu isugu yeeraayo inay dalka ku soo xaadiraan.

Wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in laga doonaayo illaalinta iyo midnimada Golaha Shacabka, maadaama Xildhibaanka uu yahay masuul Qaran.

“Waxaan ugu baaqayaa xildhibaannada maqan in ay deg deg u soo galaan si ay u gutaan waajibaadka dastuuriga ah, qof kasta oo fasax lahaa waxaan ka qaaday fasixii uu lahaa aniga oo ah ku simaha gudoomiyaha baarlamanka ahna gudoomiye ku xigeenka” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka.

Shirkan Jaraa’id oo ahaa mid kooban, ma uusan sheegin gudoomiye ku-xigeenka waqtiga loo codeynayo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha.

COMMENTS
Latest News