HOGGAAN HAGAAGSAN, HURUMAR HABAYSAN DADWAYNE HANUUNSAN — QALINKA: MAWLIID SALEEBAAN GABOOBE

Gaadhitaanka yoolka bulsheed ee dunida tartamaysaa waxa uu ku xidhan yahay fahan qoto dheer oo laga helo guud ahaan habka iyo hannaanka bulsho u dhaqan tahay iyo arrimaha togan ee ay ku taamayso. Sida aan ku rajo weynahay, haddii si qummaati ah looga fekero weyddiimo darandoorri ah isla markaana warcelintooda muddo dheer lagu foogganaado waxa suuragal ah in la gaadho hoggaan hagaagsan, horumar baahsan iyo dadweyne hanuunsan.

Weyddiimaha ugu muhiimsan ee aadanaha dunida ku unkan uu ku qasban yahay inuu halhaleel uga warceliyo si hillinka iyo hogta nolosha uga warkeeno waxa ka mid ah:

  1. Sideee baynu ku heli karnaa hoggaan toosan?
  2. Waa side hoggaamiyaasha guusha ka gaadhay hoggaamintoodu?
  3. Hoggaamiyaashii guusha ka gaadhay hoggaamintooda maxaa u sabab ahaa :hoggaamiyaashii shacabka ahaa iyo kuwii milatariga ahaaba?
  4. Hoggaamiyaashii guuldarraysty maxay ku guuldarraysteen?
  5. Ugu danbayn muxuu hoggaamiyahu ama madaxwaynahu dadkiisa quluubtooda ku hanan karaa.

Kaga dhabaynta arrimahaas waxay keeni kartaa bulshada oo dhabbada qumman cagta saarta horumar weynna ku daashoota.

Aqoonyahannada darsa cilmiga hoggaaminta waxa ay isku raacsan yihiin in hoggaamiyaha san laga helo dhawr tilmaamood oo togan sida: daacadnimo, shaqo ka go’naan, gar-qaadasho, is-dhex-galkiisa bulsho oo badan, go’aan adayg, furfurnaan iwm.

Dadwayne hanuunsan

Tan iyo waagii la abuuray goor iyo ayaan ba, aadanuhu waxa uu ahaa halgamaaga koowaad ee la tacaalayay taxaddiyada adag ee nolosha isagoo ku tallamayay inuu mar uun guulo waaweyn soo hooyo. Aqoonyahannada dunidu waxa ay isla qirsan yihiin in dedaalka koowaad la dul dhigo aadanaha – ha noqoto in wax la baro – maankiisa iyo muruqiisa la quudiyo iyo inuu helo hoy iyo, hu’. Qarnigan 21aad si gaar ah ayaa dedaallo xooggan loo geliyaa dhisidda aadanaha waxaana laga alkumay gees dhan oo aqoon ah oo la yidhaahdo Human Resource Management. Cilmigan oo lagu darso jaamacado badan oo dunida ah ayaa lagu ogaaday in dedaalka la geliyo aadanaha guud ahaan gaar ahaanna shaqaalaha ay sababi karto horumar weyn oo laga gaadho geeso badan oo nolosha ah. Hoggaamiyaha tolmoon waa inuu ka fekeraa:

Sidee bay dadwaynahu ama shacabku ugu kalsoonan karaan hoggaamiyahooda ama madaxwaynahooda?

2-Maxaa quluubta shacabka soo jiidan kara ee hoggaamiye samayn kara sidii shacabkii Turkiga ee dunida?

3-Sababahee keena gadoodka shacabka ee xukuumaddiisa iyo kalsoonidarrada kaga timaadda shacabkiisa?

4-Sida laysula jaan qaadi karo ama layskula shaqayn karo ee ka dhaxaysa xukuumad iyo shacabkeed.

5-Sida dunida horumartay maxay shacabku ku garan karaan in aanay hoggaankoodu daacad yahay oo uuna been u sheegayn?

Horumar habaysan

Adoo dunida horumartay eegaya isla markaasna aan ka tagayn Afrikaan nimada maxan ku gaadhi karnaa horumar hagaagsan oo casriya? Weyddiintaas oo ah mid kakan haddana waxa aan u soo afmeeri lahaa inta ogaalkay ah: ka faa’idaynta kheyraadka bulsho ay leedahay oo dadku ugu horreeyaan. Aqoonyahannada dal ku leeyahay waa inay sameeyaan daraasado wax-ku-ool ah kuwaas oo bulshada ku hagaya tubta toosan – waa inay soo bandhigaan kheyraadka dihin ee dalka iyo hannaanka loo mari karo ka faa’idayntiisa. Sidoo kale, waxa habboon tayaynta waxbarashada oo iyadu noqon karta tiirka koowaad ee bulsho ka dhismi karto. Waxbarashada aasaasiga ah ayaa muhiim ah in aad loo dhiso inta aan jaamacadaha iyo dugsiyada sare la eegin.

Sidaa si la mid ah, waxa lagama maarmaan ah xidhiidh diblomaasiyadeed oo dawladdu la yeelato dalalka dunida taas oo samayn karta saaxiibbo danaha dalka ka shaqeeya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: