Raadgoob.com
Khabiirka Sky Sports Ee Tony Gale Oo Sheegay In Rajada Chelsea Ee Kaalinta Afraad & Mustaqbalka Antonio Conte Ku Xidhan Yihiin Kulanka Tottenham.
March 27, 2018 - Written by admin

Khabiirka Sky Sports ee Tony Gale ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay fursad wayn u haysato in ay guul ka gaadhi karo kooxda Tottenham isla markaana ay heli karto fursad ay kaalinta afraad ugu dhamaysan karto laakiin waxa uu ka dhigay in guuldaro soo gaadha Chelsea ay soo gabagabayn karto rajada ay Blues u haysato in ay kaalinta afraad ku dhamaysan karto taas oo keeni karta in Antonio Conte shaqada laga joojin doono dhamaadka xili ciyaareedkan.

Tony Gale ayaa sheegay in maqnaanshaha Harry Kane ee Tottenham uu fursad wayn u yahay Chelsea laakiin culayska Chelsea ku saaran in ay kulankan guul gaadho ayaa ka badan kan saaran Spurs maadaama oo ay haddaba shan dhibtood ka sarayso kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Blues.

Khabiirka Sky Sports ee Tony Gale oo ka hadlaya muhiimada uu kulanka London Derbu u leeyahay Chelsea iyo Antonio Conte ayaa yidhi: “Kani waa kulan isaga(Conte) u wayn isla markaana waxay aniga ahaan ila tahay in  uu qeexi doono mustaqbalkiisa chelsea”.

Tony Gale oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya fursada Chelsea ee kaalinta afraad ayaa yidhi: “Haddii uu kulankan guuldaraysto, ma jiri doonaan fursado badan oo ay afarta sare ugu dhamaysan kartaa. Liverpol ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta, Man City, Man United iyo Spurs oo xaqiiqdii si aad fiican ayay u ciyaaraysa”.

Laakiin khabiirka Sky Sports ee Tony Gale ayaa aaminsan in maqnaanshaha Harry Kane ee Tottenham ay fursad u tahay Chelsea wuxuuna yidhi: “Laakiin waxaa isaga caawinaysa xaqiiqda ah in ayna Spurs ku jiri doonin xoganaan buuxda iyada oo dabcan uu Harry Kane maqan yahay. Sidaa daradeed, kulan wayn ayuu Chelsea u yahay, siday u tagi doonaan?”.

Tony Gale ayaa hadalkiisa ku sii daray su’aal uu galiyay hanaanka ciyaareed ee ay Chelsea kaga hortagi doonto Tottenham wuxuuna yidhi: “Miyay weerari doonaan? mise si taxadarleh ayay u ciyaari doonaan? Wax xiiso leh ayay noqon doontaa”.

COMMENTS
Latest News