Xulka Qaranka France Oo Guuldaro Kale Baday Marti Galiyaasha Koobka Aduunka Ee Russia, Pogba & Mbappe Oo Isku Muujiyay Iyo Les Bleus Oo Guuldaradii Colombia Ka Soo Kabsatay.

Xulka qaranka France ayaa si buuxda uga soo kabsaday guuldaradii waji gabaxa ahayd ee ay kala kulameen xulka qaranka Colombia waxayna guul wayn ka soo gaadheen marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia oo guuldaro kale ku soo gaadhay magaalada St Petersburg ee dalkooda waxayna France markan muujiyeen sida ay u fiican yihiin marka ay xalaad fiican galaan.

Haddii uu Jose Mourinho kaydka dhigayay isla markaana uu ku qanci waayay qaab ciyaareedka Paul Pogba, waxa uu xidiga ree France muujiyay doorka wayn ee uu ka qaadan karo in xulka qarankiisa France uu shaqo fiican ka qaban karo koobka aduunka marka uu badhtamaha sanadkan Russia ka furmo.

Da’yarka xulka qaranka France ee Mbappe ayaa kulankan si buuxda iskugu muujiyay isaga oo laba gool ka dhaliyay marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia halka goolka kale uu ahaa mid cajiib ah oo uu Paul Pogba u saxiixay xulka qarankiisa France.

Laakiin guuldarada kale ee soo gaadhay Russia waxay la micno tahay in shaqo wayn ay u baahan doonaan in ay sii qabtaan ka hor inta aan ciida dalkooda lagu daah furin koobka aduunka ee June 2018 furmi doona iyaga oo aan ilaa hadda muujin awood ay heerka groupyada koobka aduunka ku soo dhaafi karaan.

Waxay ahayd daqiiqadii 40 aad ee dhamaadkii qaybtii hore markii uu da’yarka Mbappe gool qurux badan u saxiixay xulka qarankiisa France wuxuuna kubbad dilaa ah ka helay Paul Pogba kaas oo difaaca Russia kala dhantaalay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 uu France hogaanka ciyaarta ku hayay.

Laakiin isla daqiiqadii 49 aad ee bilawgii qaybtii labaad Paul Pogba ayaa xulka qarankiisa France siiyay fursada ay ciyaarta kalsooni buuxda ugu sii heleen kadib markii uu dhaliyay gool qurux badan oo ciyaarta kaga dhigay 2-0 ay Les Bleus hogaanka ciyaarta ku dheeraysteen.

Goolka Paul Pogba oo ahaa mid uu qaab qurux badan ugu tuuray darbo laaga xorta ahayd ayaa fariin cad u ah Jose Mourinho iyo maamulka kooxdiisa Manchester United isaga oo guud ahaan muujiyay awoodiisa ciyaareed wuxuuna dhaliyay hal gool isaga oo goolkii furitaankana caawintiisa sameeyay.

Xulka qaranka Russia ayaa sameeyay dadaal badan oo ay ku doonayeen in ay ciyaarta dib ugu soo laabtaan waxayan goolka rajadooda sare u soo qaaday heleen daqiiqadii 68 aad waxaana F. Smolov kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali France hogaanka ciyaarta ku hayaan balse ay cadaadis dareemeen.

Laakiin da’yarka Kylian Mbappe ayaa daqiiqadii 83 aad ciyaarta hurdada u diray wuxuuna u quus gooyay marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia oo doonayay in ay la yimaadaan goolka barbaraha waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3-1 ay France ku dubteen Russia isla markaana kaga soo kabsadeen guuldaradii Colombia.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: