Raadgoob.com
SAWIRO: Lionel Messi Oo U Adkeysan Waayay Inuu Daawado Qeybahii Dambe Kulankii Ay La Roja Xasuuqeen Qarankiisa Argentina.
March 28, 2018 - Written by admin

Kabtanka Argentina Lionel Messi ayaa awoodi waayay inuu sii daawado xasuuqa ay xulka La Roja u geysanayaan qarankiisa kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Wanda Metrapolitano.

Isco ayaa sadexley dhaliyay xalay kulan ay Spain 6-1 ku xasuuqeen Argentina kulan ay labada xul isugu diyaarinayaan koobka Aduunka ee ka dhacaya Russia bartamaha sanadkaan, waxeyna aheyd sheeko qal-qal weyn galisay rajada xulka koonfurta America ku yaalla.

Lionel Messi ma ciyaarin kulankii ay Argentina 2-0 kaga badiyeen qaranka Italy kulan ka dhacay Ingiriiska, sidoo kalana xalay kulankii ay xasuuqa kala kulmeen Spain ma uusan ciyaarin.

Kabtanka wuxuu so fariistay qeybta VIP-da garoonka Wanda isagoo dhinac fadhiya saaxiibkiisa qaranka Manuel Lanzini kaas oo isna dhaawac kaga maqnaa ciyaarta, maadaama ay jug soo gaartay ciyaartii Italy.

Isco ayaa dhameystiray sadexley daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta, taasna waxey qasabtay in Lionel Messi uu isaga baxo garoonka maadaama uu u adkeysan waayay dhibta ka socota garoonka Wanda.

Argentina waxey koobka Aduunka ku group yahiin Iceland, Nigeria & Croatia waana sadex xul oo aan dab yar shideynin.

COMMENTS
Latest News