Raadgoob.com
Macalinka City Guardiola Oo Koox Dafiic Ah Kala Hortagaya Manchester United Kulanka Sabtida Iyo Liverpool Oo Sabab U Ah
April 2, 2018 - Written by admin

ababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa la filayaa inuu habeenka Sabtida la soo shirtago koox daciif ah kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Manchester United.

Kooxda Guardiola ee Man City ayaa ku guuleysan karta horyaalka Premier League haddii ay habeenka Sabtida ka badiyaan kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Manchester United.

 Pep Guardiola is set to rest a host of stars for Man City's game with United

Laakiin tababaraha reer Spain ayaa diirada saaraya Champions League madaama uu koobka Premier League xilli hore jeebka ku ritay.

Inkastoo taageerayaasha City ay doonayaan inay koobka horyaalka ku qaadaan gurigooda iyagoo la ciyaaraya kooxda ay aadka u xafiiltamayaan hadana Guardiola ayaa si taas ka duwan u fekeraya.

Manchester City ayaa la ciyeereysa Liverpool habeenka Arbacada lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Champions League, waxaana ay mar kale Liverpool is arkayaan ka dib kulankooda Manchester United ee Premier League.

Ka dib markii ay City 3-1 kaga badisay Everton, Guardiola ayaa yiri: “Dabcan waxaan doonayaa inaan United kaga badino gurigeena.

“Laakiin seddex maalmood ayaan heysanaa inaan isagu diyaarino kulanka Liverpool ka dib waxaan heleynaa seddex maalmood kale oo aan isagu diyaarinayo kulanka United ka dib seddex maalmood kale ka hor lugta labaad ee Champions League sidaasi darteed maalmo yar oo soo kabsasho ah ayaan heysanaa.

“Waa inaan isticmaalno dhamaan ciyaartoyda aan heysano laakiin taasi lama micno ahan in raga aan safo aysan diyaar u aheyn inay badiyaan.

“Booska aan haatan Premier League ka taaganahay waxaa u sabab ah in qof walba uu gacan ka geystay. Taasna waa ay sii soconeysaa.

“Laakiin waan ka xumahay, tababare ahaan, haatan Liverpool kaliya ayaa maanka iiga jirta.”

COMMENTS
Latest News