Mancehster United Oo Sheeko La Yaab Leh Owgeed U Diiday La Soo Wareegidda Mezut Ozil

Mancehster United waxa ay goosatay in aysan la soo wareegin Mezut Ozil maadama uu Jesse Lingard si lama filaan ah horumar u sameeyey.

Bishii January ayaa si weyn loola xiriirinayey Manchester United xiddiga reer Germany, Ozil.

Hase ahaatee, laacibkii hore ee Real Madrid waxa uu u saxiixay Gunners qandaraas muddo dheer ah.

Dad badan ayaa la yaabay in Man United aysan helin Ozil maadaama uu hore Jose Mourinho tababare ugu soo noqday.

Laakiin sida laga soo xiganayo Manchester Evening News, Man United waxa ay goosatay in aysan raadin Ozil,sababtuna waa sare u kaca uu sameeyey Lingard.

Bilowgii xilli ciyaareedkan Ingiriiska qaab ciyaareedkiisu wuu xumaa.

United aad ayey u wacnaayeen bandhigyadeeed halka uu Henrikh Mkhitaryan ka soo dhalaalayey lambarka 10-aad.

Laakiin, laacibka reer Armenia waxa uu muddo ka dameeyey lumiyey booskiisii.

Lingard waxa uu hore ka bilaabay ku raaxeysashada bandhigyadiisii ugu wacnaa tan iyo marki uuu 2014 kulankiisii ugu horreeyey u saftay United.

Laacibka u dhashay England waxa uu dhammaan tartamada dhaliyey 13 gool.

Waxa uu gool dheer yahay Marcus Rashford, labana Anthony Martial.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: