Raadgoob.com
Hargeysa Magaalo Afar Qabiil Dilleen(Ina lilaah) Jamac hilaac.
April 29, 2018 - Written by admin

Magaalada hargeysa oo juqraafi-ahaan dhacda laba buurood dhexdood,ka saraysa jooga bada 4377 fts, markaad ka so degto Airportka soona dhaafto Star hotel ama aad ka so gasho dhinca dhulka waxad markiba aad daremeysa magaalo aanu ka jirin maamul dawladeed Oo Maxali ah(Local government Administration ). Magaalada hargeysa oo lagu qiyaso in ay ku fadhido bed dhuleed dhan 15 kmts square aya sido kale dadka ku nool lagu qiyasa hal million oo qof.Magalada hargeysa oo ay deegan rasmi ah u leeyihin 6 qabiil aya 27ki sanano ee la so dhaafay waxay u muqata mid u af-duuban(hijacked) afar qabiil oo kala saaran(degen) laba buurood oo iska so horjeeda(two mountain opposite sides) ayaa shalay iyo maanta wajahaya durufo adag oo ka dhashay dawlad deegan xumo, shacabka hargeysa ayan manta aan haysan adegyada muhimka u ah dad ku nool magaalo(basic social services) oo ay bixiyan dawladaha hoose ,sida cafimadka,waxbarashada,biyo nadiif ah,hoy,waddo,garomada ciyaraha.beeraha nasashada(Recreations) nalaynta iyo nadifinta waddoyinaka, amaanka waddoyinka,xabaalaha iwm ah. A- Biyaha oo ah laf dhabarta nolosha dadka reer hargeysa aya boqolkiba toddobatan aan helin biyo nadif ah kuwas oo mar kasta wajihi kara khatar cafimaad oo ay keenan biyaha aan nadiifta ahayn,bulshada reer hargeysa aya mar kasta ka cawda xanunada ku dhaca kelyaha,caloosha iyo kadi-mareenada kuwas oo int badan ay keenan biyaha aan nadiifta ahayni,Beesha caalamka oo ay ku jiran qaramada midobey,midawga yurub,banka dunida iyo wadamo ka mid ah dawladaha carabta aya toddoba sanadod ka hor wakaalada biyaha hargeysa ku maalgeliyey(invested) lacag ka badan shan iyo lixdan million oo dollar, mashruucan oo aha kii ugu balaadhna ee beesha caalamku ku malgeliso biyaha hargesa si loo hello biyo nadif ah oo bulshada wada gaadha ayan ila maanta aan midho dhal ahayn ka dib marki mashruucan ay soo food saartay caqabado musuq-masuq iyo dano qabiil,rajada laga qabo in mashruucani guuleysan karo aya meesha ka baxday ka dib marki la lunsaday boqlkiba toddoba iyo toban(17%) ka mid ah dhaqaalihi loo qoondeyey mashruucan,sido kale Biyo xidheenki ay dawlada Imaradka carabtu ka hirgelisey Dooxa xunbo weyne oo 43 km bari waqooyi ka xiga magaalada si logu xoojiyo biyo gelinta magalada hargeysa aya fashilmay ka dib marki biyo xidheenkan laga dhisay goob aan ku habonayin ,biyo xidhen kaas oo ay buux dhafiyeen kumanaan tan oo khashin(garbage) ah oo ay sidaan dox-yada mara magalada hargeysa,aw barkhadle,darar-weyne iyo rabley kuwas oo warabiya biyo xidhenkan,biyo xidheenkan oo la dhisay sanadki 2016ka ayan biyihisa la cabi Karin(un fit for human health) sido kale mashrucan ayan looga faideysan Karin waraabka beeraha madama laga dhisay dhul buuraley ah oo ka fog deeganada beeralayda ah.Biyo xidheenkan oo dawlada imaaradka carabtu uu qoondaysay in lagu malgeliyo boqol million oo dollar aya waxa ku baxay saddex millon oo dollar kaliya halka sagaashan iyo todoba million oo dollar lacagti mashruucan la lunsaday,shacabka reer hargeysa aya quus ka taagan in ay hellan biyo nadiif ah mustaqbalka dhow wase nasibkood. B:- Cafimadka&Waxbarashada:- Fayo-dhawrka(public health) oo ah sida loo ilaaliyo cafimadka guud ee bulshada aya ah mid khatar badani ka jirto, dhismayaasha magalada hargeysa oo lagu qiyaso 80,000 oo dhisme ay isgu jira dhismayaal ganacsi,huteelo,cusbataalo,aqallo,warshado yar-yar,garashyada baaburta iwm ah sido kale waxa magaladan hargeysa degan 158,000 oo qoyis oo bara-kacayaal ah kuwas oo haysan hooy,biyo nadif ah,iyo musqullo(laterns) Khashinka qalalan iyo kan qoyan oo ah cudur dhaliye waxa maalinti laga qaada magaladan hargesa qiyaasti laba boqol sagaal iyo lixdan tan(269 tons) khashinkan oo ka dhasha goobaha ganacsiga iyo xafadaha sida, suuqyada,bakharada,huteelada,cusbataalada(hospitals) warshadaha yar-yar garaashyada baabuurta ,musqulaha dadweynaha(public latrines) goobaha gaadidka lagu dhaqo(car wash centers) istaamada b/buurta,goobaha waxbarashada, guriyaha dadweynaha iwm ah. Khashinka qoyan(dareere) oo ah mid khatar badan aya ka yimada goobaha cafimadka dawlada kuwa gaarka loo leyahay sida cusbitalada,shaybadhad,huteelada,musqulaha dadweynaha,hadhaga sunta ah ee wershadaha yar-yar,khashinka magalada oo ay maamulan sharkado yar-yar oo qabail ku dhisan ayaan lahayn aqoon iyo karti ee sida loo maamulo khashinka magaaloyinka,khashinka qoyan ee magaalada oo ay qaadan siddeed(8)boyadood oo gaar loo leeyahay aya waxa lagu shuba dhul aan lo astayan oo ku yaala waqoyi bari ee magalada dhulkaas oo ah dooxyo iyo laago biyo mareeno ah kuwas oo u si gudba deegano kale,sido kale khashinka qalalan aya lagu quba laba god (2 dumping sites) oo ku yaala koonfurta iyo waqoyiga magaalada kuwas oo aan si sax ah logu shubin khashinka,khashinka dareeraha ah ee ka yimada hadhaga cusbitaalada,shaybadhada iyo warshadaha yar-yar aya keeni kara khatar cafimaad oo daran(health risk) hadi aan la iska basrin, magaalada hargeysa oo ay ku yalaan dhawr cusbitaal oo ah kuwa dhalmada aya habeenki waxaad arkaysa baabuurta khashinka gurta oo ay ka dateen mandheerta caruurta dhalata tas oo ay cunaan Eyda iyo Bisadaha magaladu.Dawlada hoose ee magaalada hargeysa ayan la hayin nidaam iyo qorshe lagu maareyo khashinka buux dhafiyey magaalada (prober waste disposal management processes) oo ah in khashink si fican loo so ururiyo(collection) in si fican loo raro(transfer) iyo in la daweyo lana aaso(treatment and dumping). Suuqyada iyo waddoyinka magaalada hargeysa waxa buux dhafiyey kumanan ganacsato yar yar oo bacad yaal ah,gaadididka dadweynaha,kuwa gaarka loo leeyahay iyo boqolaal ganacsi oo kala duwan, suqyada ugu weyin magalada ee Waahen iyo Suuqa Gobonimo Ex xisbiga aya noqday meelo dadku ku badan yahay(over crowded areas) korodhka ganacsiga bacad yaalka ah iyo badeecdaha oo marnaba ka faaruqin suqyada aya badi goobaha ganacsiga ka dhigay goobo aan helin hawo iyo cadceed ku filan,dadka aqoonta u leh cilmiga fayo-dhawrka(hygiene experts) waxay aminsan yihin in goobaha dadku ku badan yahay ee aan helin hawo iyo cadceed ku filan ay wajihi karan xanuuno khatar badan oo aan la garan karin(un known hazardous diseases). Suqyada iyo xaafadaha magaalada aya waxa hal dhisme ku wada yaal huteelada cuntada,musqulaha,rayislaha(timo-jarka) iyo farmasiyada dawada taas oo leh khatar cafimad si kastaba ha ahate shacabka reer hargeysa aya mar kasta wajihi kara khatar cafimaad oo dul hoganaysa hadi aan la helin dawlad hoose oo karti u leh in ay badbadiyan nolosha shacbka reer hargrysa.Waxbarashada oo fure u ah nolosha adamaha, dugsyada hoose/dhexe ee dawliga ah ee magalada hargesa ayaan haysan macalimin tayo leh,waxa jirta dayac iyo dar-yeelaan ku habsatay dhismayasha dugsiyada,waxa sifo sharci daro ah iyo boob lagu kala iibsadey qaybo ka mid ah dugsiga sheikh basher,waxa gebi ahanba la qaatay dugsigi waxbarashada haweenka(womans club) waxay d/hoose dayrarki dugsiyada ka dhigtay goobo ganacsi oo mashquul geliyey ardayda xiliga waxbarashada, ma jirto gunno D/hoose siiso macaliminta iyo shaqaalaha dugsiyada hoose oo laga so jaro cashuurta badan ee dadweynaha laga qaado,waxa meesha ka baxday rajidi iyo ujeedoyinka laga la ha dawlada hoose marka laga hadlayo arimaha bulshada oo waxbarashada asaasiga ahi ku jirto.
C:- Hoyga,dhulka,waddoyinka,nalka(tamarta) iyo amaanka, hoyga oo ah guryaha dadku ku nool yahay,magaalada hargeysa oo aan la ahayin qorsha dhul sax ah oo la ixtiramo(twon plan) aya samayin ku yeeshay qaab dhismeedka kumanaan dhisme iyo guud ahan bilicda magaalada , waddoyinka oo cidhidhi ah,biyo mareenadi oo la dhistay,seesas meel kasta lagu jaray khashinka oo meel kasta daadsan,xadhkaha dabaysan, taawarada isgadhsinta oo khatar badani ka jirto kordhka dadka iyo magaalada oo macno laan si xawliya u fidaysa iyo adeeg yada asaasiga ah oo hoos u dhacaya aya magalada mustaqbalka ka dhigay meel aan lagu noolan Karin hadi aan isbedel la helin. Dhismayasha magaalada hargesa oo ka samaysan isku darka ciid iyo jaajur khafiif ah oo aan tayo lahayin seeska dhismayaaha iyo ruufka guryaha oo jilicsan oo aan adkaysi u lahayin roobabka iyo dabaylaha aya ah khtar markasta taagan,dhismayasha cusub iyo kuwi hore u jirey ee magaladan hargeysa aya fashilmay ka dib marki dhis-mayashani awoodi kari wayeen in ay iska caabiyan qabow aad u daran oo bilihi Novenbar ila December 2017 ka dhacay magaaladan hargeysa kaas oo gaadhey derejada 7c’ halka guryihi dawladi ingirisku dhistay ay noqden kuwo dugsi ah oo u adkaystay qabow-gaas,si fudud na looga sari karo qabowga ku habsadey. Dhismayasha fooqyada ah oo ku so badanaya magalada oo aan hore loogu qorshayin aya kor u qaaday cidhiidhiga jidadka oo markii hore ba liitey,waxa xidhmay jidadka dadku maro(road sides)..
La soco……

Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor

COMMENTS
Latest News