Raadgoob.com
Saddex Final, 32 Ciyaartoy, 25-Guulood, Xiddiga Ugu Goolasha Badan & Shabakadda Marca Oo Xog Cajiib Ah Ka Diyaarisay Waxqabadka Real Madrid.
May 4, 2018 - Written by admin

Real Madrid ayaa tiigsatay finalkii sadexaad oo xiriir ah tartanka Champion League, waana midkii afaraad oo ay gaarto shantii sano ee lasoo dhaafay, mudada uu joogo Zidane hadii aan ka hadalno kooxda waxey sadexda final isticmaashay 32-ciyaartoy mudadii ay socdalka u aheyd.

Keylor Navas; Dani Carvajal, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo; Luka Modric, Toni Kroos; Isco, Gareth Bale, Cristiano Ronaldo; Karim Benzema – safkaan ayaa kusoo bilowday kulankii ugu horeeyay xilli ciyaareedka 2015/2016.

Shaxdaan waa mid la wada heli karo, midkoodna kama tagin kooxda sidaas darteed waa lagu soo bilaabi karaa kulanka Kiev oo ay wajahayaan 26-ka May kooxda Liverpool.

Kaliya waxa isbadalay waa ciyaartoydii keydka aheyd, waxaa baxay dhawr ciyaartoy oo kursiga fadhiyay halka ay yimaadeen dhawr ciyaartoy oo qudhooda noqday kuwa mar walba kursiga keydka fadhiya.

22-ciyaartoy ayaa la adeegsaday ololahii 2015/2016, halka sanadkii lasoo dhaafay la adeegsaday 23-ciyaartoy, balse wadar ahaan 32 ciyaartoy oo kala duwan ayaa la adeegsaday.

Kaliya 4-ciyaartoy oo ka mid ah tiradaas ayaan hal kulan kusoo bilaaban, waxaana ka mid ah: Mariano (Shan daqiiqo), Marcos Llorente (21 Daqiiqo), Denis Cheryshev (37-daqiiqo) iyo Dani Ceballos (82-daqiiqo).

Qeyb ka mid ah ciyaartoydaas ayaa si xoog leh uga qeyb qaatay taariikhda ku saabsan in la tiigsado saddex final oo xiriir ah, waaxaana ugu waaweyn: Navas, Ramos, Marcelo, Modric, Casemiro, Kroos iyo Ronaldo – waa lix ciyaartoy oo 70% xaadir ahaa daqiiqad walba oo ka mid ah sadexdaas olole.

Carvajal, Varane, Benzema iyo Isco ayaa ciyaaray 50%, waxeyna qudhooda qeyb ka yahiin guulaha ay kooxda gaartay.

Guud ahaan kooxda waxey mudadadaas ciyaartay 36-kulan, waxeyna gaareen 25-kulan waana midda ka dhigeysa Los Blancos iney tahay kooxda ugu awoodda badan qaaradda yurub.

Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan intii sadexdii fasal ciyaareed ee ugu dambeyay kooxda, wuxuuna dhaliyay 41-gool, 15-gool oo ah xilli ciyaareedkaan, 10-gool oo fasalkii hore ah iyo 16-gool oo uu dhaliyay 2015/2016 – goolasha laguma darin kuwa uu dhaliyay finalka.

Karim Benzema ayaa kusoo xiga dhanka goolasha kaas oo shabaqa taabsiiyay 13-gool, 11-xidig oo ka mid ah ciyaartoyda gudaha (Laga reebo goolhayaha) ayaan wax gool ah dhalin saddexda, halka 6 ka mid ah 11-kaas xidig aysan ciyaarin 100 daqiiqo.

COMMENTS
Latest News