Raadgoob.com
Weeraryahnka Atletico Madrid Diego Costa Oo Banaanka Soo Dhigay Sababta Uu Mar Walba U Jecel Yahay La Ciyaarista Arsenal.
May 4, 2018 - Written by admin

Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa ayaa shaaca ka qaaday inuu mar walba jecel yahay la ciyaarista kooxda Arsenal kadib markii uu xalay shabaqa la helay goolka qura ee u diiday iney koobka Europa League ku sagootiyaan Arsene Wenger.

Atletico Madrid ayaa 2-1 isku cel-celis ahaan kaga gudubtay Arsenal labadii kulan oo ay ciyaareen wareega semi finalka tartanka labaad ee ugu xiisaha badan heerka kooxeed ee yurub (UEFA Europa League) wuxuuna ahaa dhaliyaha goolka qura ee xaay ka dhashay garoonka Wanda Metrapolitano.

Diego Costa ayaa afar gool ka dhaliyay 7-jeer oo uu wajahay Arsenal, wuxuuna sadex gool kaga soo dhaliyay kooxda Blues mudadiisa Premier League, si kastaba xiddiga reer Spain wuxuu ka dhawaajiyay wax u qarsanaa

“Horay ayaan Ingiriiska kula ciyaaray, wax badan ayeyna i dhiirigalineysaa inaan ka hortago Arsenal, sababtoo ah waxaan horay ugu soo ciyaaray Chelsea” ayuu yiri Diego Costa kadib ciyaartii xalay.

Diego Costa wuxuu isaga soo tagay September sanadkii hore kooxda Blues kadib markii la xalin waayay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Antonio Conte, balse wuxuu sugay ilaa January si uu ugu biiro Atletico oo ganaax uu ka saarnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

COMMENTS
Latest News