Raadgoob.com
Hargeysa Magaallo Afar Qabiil Dileen(ina lilaah) Qaybti Labaad
May 8, 2018 - Written by admin

taas oo kor u qaaday shilalka waddoyinka,waxa la dhistay biyo mareenadi wadoyinka dhinac mari jirey oo marka hore ba khashin buuxiyey taas oo keentay fatahado khasaare geystay marka roobabku da,aan ma jiran baarkino,waddoyin iyo meelo dadku u maran dhismayashan marka dadku ka adeeg sanayan. Dhismayashi dawladaha dhexe iyo hoose iyo dhulki banaana ee dawladu ku lahayd suuqyada magaalada oo sifo sharci daro ah looga iibiyey ganacsatada aan waxba ka xishoon aya sababtay in la waayo adeegyada muhimka u ah magaalada hargeysa sida istaamada,goobaha baabuurta la dhigto,saldhig yada booliska,Iskuulada,suuqyo ganacsi oo habaysan iwm ah taas oo magaladan ka dhigtay meel war-war badani ka jiro. D:- Amanka,Cafimaadka,Nalka(Tamarta) Dhulka, Gaadiidka iyo Waddoyinka:- Amaanka oo muhim u ah nolosha dadka iyo hanti-dooda,magalada hargeysa ayan lahayn qorshe iyo hal beeg lagu cabiri karo amaanka kaas la jaanqaadi kara korodhka dadka( population growth denbiyada iyo fiditaanka magaalada,qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada ayaan ila maanta lahayn saldhigyo boolis iyo rugo xoogan oo bixiya adeeg amaan lana socda demiyada soo badanaya,saldhiga dhexe ee magaalada oo ah kan ugu mashquulka badan lana dhisay sanadihi todobatanadki xiligaas oo magaladan ay ku noolaayen toban kun oo qof ayan ila maanta la korin korodhka dadweynaha oo toban laamay, saldhigan oo u baahna in dhismihisa la ballaadhiyo ayey xukumadi Siilanyo iyo D/hoose iibiyen dhismayashi ku dhegena saldhigan sida dhismihi boosaha iyo madbacadi qaranka arimahan oo dhamantood markhati u noqon kara sida dawladni-madi inooga saqiirtay(failure) iyo sida aanay adeegayada bulshadu u koreyn musuqmaasuq awgi taas oo khatar badani ka dhalan karto. Caafimaadka:- ilaalinta cafimaadka bulshada oo ah masuuliyad ay dawladu leedahay, xukumada iyo beesha caalamka oo malaayin dollar ku bixisa daryeelka cafimaadka bulshada aya hadana maanta adeega caafimaadku yahay kan ugu liita marka loo eego adeegyada kale,magaalada hargeysa oo ay ku nool yihin dadka ugu tirada badan ayan haysan adeeg cafimaad jaban oo tayo leh,bulsahada reer hargeysa boqolkiba 90 ka mid ah ayaan awoodin in ay ogaadan heerka iyo xaalada cafimaad ee ay ku sugan yihin duruufo dhaqaale awgeed tusale hadi qof jirado ama xanuunsado ma heli karo daryeel cafimaad haddi aanu haysan ugu yaran lacag dhan 90 dollar oo ay dheer tahay daweyntu,magaalada hargeysa aya waxa ku so badanaya xanuuno kala duwan kuwas oo aanay bulshadu la tacaali Karin durufo dhaqaale awgeed.Nalka iyo tamarta:- oo ah adeeg muhim u ah nolosaha asaasiga ah aya magaalada hargeysa noqday adeega ugu qaalisan dunida kaas oo halka unit(one per unit) lagu iibiyo hal dollar taas oo caqabad ku ah in dadweynuhu helan tamar jaban oo u suurta gelisa in ay ku qabsadan bahiya-hooda asaasiga ah. Korontada magaalada hargeysa oo boqolkiba 70 gacanta ugu jira sharikado gaar lo leeyahay,kuwas oo aan karti iyo xirfad u lahayn in ay shacabkooda ka bad-badiyan khatarta ka dhalata adeega dabka ah ee ay bixiyan,khatarta ka dhalata korontada magalada aya inta badan keenta shilaal sababa gubasho,dhawac iyo dhimasho , shilalkan aya la aminsan yahay in ay keenan nidamka iyo xeerarka dawliga ee dab gelinta dhismayaasha oo aan jirin(house wiring regulations) iyo xadhkaha dabka qaada oo aan waafaqsanayin nidamka dawliga ah khatarahan oo so badanaya ayaan ila hada wax xal ah lo hayin. Waddooyinka:- waddoyinka magalada hargeysa oo marka hore ba cidhidhi aha aya wakhigan danbe isu bedeley suuqyo gancsi oo ay ka hawl galaan kumnaan ganasato bacd yaal ah kuwas oo wayey goobo ku haboon gancsigooda,ka dib marki D/hoose iyo ta dhaxe ay sifo sharci daro ah ku iibsaden dhulki banana iyo dhismayashi dawladu ku la hayid suuqyada magaalada kuwaas oo dib lo dejin laha ganacsata yar yar ee suqyada buux dhafiyey. wadooyinka magalada ayaa maanta loo adegsada Istaamo,parkino babuurta la dhigto,macrado baabuurta lagu gaddo,meherado iyo iwm ah taas oo caqabad ku noqotay isu socodka gaadidka iyo dadweynaha waxana kordhay shilalka gaadiidku shacabka u geystan taas oo khatar ku ah amaanka dadka iyo hanti-dooda,waxa kale oo hoos u dhac weyini ku yimid nidamka wax kala iibsiga magaalada ka dib marki ay xidhmeen badi jidadki iyo waddoyinka magaaladu. Gaadiidka:- gaadiidka gaarka lo leeyahay ee SN ee ka hawl gala dalka aya tiradoodu maanta maraysa 95500 oo baabuur kuwas oo 45000 oo ka mid ahi ka hawl galan magaaladan hargeysa, tirada gaadidka SNumber ee ka hawl gali jiray dhul-waynihii laysku odhan jiray soomaaliya ayaa tira dooda lagu qiyaasi jiray sanadkii 1988kii 63000 oo baabuur taas oo muujinaysaa heerka xad dhaafka ah ee tirada baabuurtu u kordhayso ee dalka oo duruufo badani ku xeeran yihin,tirada gaadidka magalada hargeysa ooo si xawli ah u kordheysa ayaa ku so beegmaysa xili magaalda hargeysa leedahay hal waddo(1) oo keliya taas oo cabirkeeda lagu qiyaaso laba(2) killo meter kana bilaabanta Garoonka diyaradaha ila isgoyska Star huteel. Waddoyinka magaalada oo badi balacooda celcelis ahan(average) lagu qiyaaso siddeed meter oo hadana burbursan ayaan suurto gal ka dhigeyn in shacbku ka badbado shilaalka khatarta badan ee ay saacad kasta wajahayan.Waddoyinka magalada hargeysa oo dhamaantood isu bedeley goobo ganacsi,istaano,barkino aya sababay cidhiidhi badan oo abuuray in dadka iyo gaadiidku waddo keliya wada maran,waddoyinka ayan la hayin dhincyada dadku maran (road sides) sido kale waddoyinka ayaan la hayn calaamadaha ama tabeeloyinka taagan iyo kuwa jiifa ee ka diga khatarta gaadiidka leeyahay Ciidamada ilaaliya amaanka waddoyinka( Trafic Police) ee magaalada oo soo saara warbixin sannadle ah ee shilalka gaadiidka aya sheegay in bill kasta magalada hargeysa ay ka dhacaan kun iyo boqol shil(1100 accidents) kuwas oo geysta khasare isugu jira dhimasho,dhawacyo iyo burbur hantiyeed.Bulshada wajahda shilalka ka dhasha gaadiidka aya la ogaadey in ay u badan yihin ardayda,dadka dada ah,haweenka iyo dadka baadiyaha ka yimada,gaadiidka inta badan shilalka geysta ay waxa ka mid ah baaburta lo yaqano Dukhanka,Booyadaha biyaha,Basaska,Iska rogoyinka,baabuurta jaadka gurta,iyo kuwa lo yaqaano caasiyada. Wadayaasha baaburta magalada hargeysa aya la amin-sanyahay in boqolkiba 65 ka mid ahi aanay masuuliyad qaadi Karin halka 26 ka mid ahina aanay haysan ogolaanshaha b[buur wadista(licences) warbixintani waxay waalidinta magaalada hargeysa kula talinaysa in caruurtooda ka yar dada tobban jirka wax ku baraan gurya-hooda ila inta la helaayo waddoyin iyo jidad amaankooda la isku halayn karo. Dadka aqoonta u leh denbiyada (criminologists) waxay amin-sanyihin in suurta galnimada magaalada hargeysa ay shilal uga dhici karaan ay tahay boqlkiba in ka badan 96 (probability) madama ay dadka iyo gaadiidku mar kasta ay isaga dhaw yihin hal mitir wax ka yar.
Gebo-gebo :- qoraalkan waxa laga faaideysanaya xaaladaha adage e bulsho ee ay wajahayan dadka reer hargeysa xiligan,iyo sida ay u guul daraysteen maamulka dawlada hoose iyo kan gobol kuwas oo masuul ka ah mashakilka bulsho ee si kordhaya,waxa kale oo laga faaideysanaya sida dawladimadi ay fadhiidka u noqotay,golaha deganka ee magaalada hargeysa oo la so doortay sandki 2012ka aya lunsaday dhul banan oo dan guud ah kana badan 2000 oo baloog iyo dhismayal badan oo magaaladu la hayd,sido kale waxa dawlada hoose so galay lacag ka badan 27,200,000 oo dollar iyo masharic kale oo ka badan boqolaal kun oo dollar kuwas oo aan ka muuqan magaalada,goloyasha degganka hargeysa oo laba jeer la so doortay aya noqday kuwi ugu liitey maamuladi so maray D/hoose ee hargeysa tan iyo marki la aasasy sanadki 1953,maamulka deeganka magaalada hargeysa oo ku sifobey musqmasuq,dhul boob,qabileeysi aya magaaladan ka abuuray caqabado maamul xumo oo adag in mustaqbalka wax laga qabto,nidaamka isla xisabtanka oo aan dalka ka jirin iyo dawlad xumada ayaan suurto gal ka dhigeyn in maamulkan meesha laga saaro,magaalada hargeysa oo si xawli ah u fidaysa aya xiligan wajahaysa caqabado bulsho oo ka dhashay dawlad xumada kuwas oo magaladan ka dhigaya meel aan lagu noolan Karin mustaqbalka dhow haddi aan isbedel khayir qaba la helin. Shacabka reer hargeysa oo qabiilku qaybiyey iyo dadk oo aan waxba dooran Karin aya rajeda dadka ka dhigtay mid god dheer ku dhacaday,hargeysa magaallo afar qabiil dileen(ina lilaah)

COMMENTS
Latest News