Raadgoob.com
Maxaa Ka Cusub Xaaladda Dhaawac Ee Ronaldo, Taamse Ma U Ahaan Doonaa Fiinaalaha Champions League?
May 8, 2018 - Written by admin

Cristiano Ronaldo waxa uu ka baxay kulankii El Clasico isaga oo dhutinaya, laakiin xiddigga Real Madrid taam ma u ahaan doonaa fiinaalaha Champions League?

Ronaldo canqawga ayuu jug iska gaadhsiiyey kulankii Camp Nou,ma soo laaban qeybtii dambe iyada oo uu booskiisa galay Marco Asensio.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in laacibka aduunka ugu wanaagsan uusan taam u noqon doonin kulanka Kiev ee ay Liverpool dabayaaqada bisha kula dheeli doonaan fiinaalaha Champions League.

Cristiano taam ma ahaan doonnaa?

Warar laga helayo Spain waxa ay sheegayaan in Portugal-ka diyaar u ahaan doono in uu ciyaaro.

Marca waxa ay warisay in Ronaldo jug iska gaarsiiyey canqawga.

Ma ciyaari doono kulanka arbacada ee ay Sevilla la dheeli doonaan.

Hase yeeshee, waxaa la wariyey in madaxda sar sare ee kooxda aysan wax walaac ah ka qabin in uu seegi doono kulanka fiinaalaha ee Champions League.

COMMENTS
Latest News