Raadgoob.com
Waa Maxay Sababta Uu Luis Enrique Isaga Nafsadiisa Ugu Jiidayo In Maamulka Gunners Ay Ka Saaraan Musharaxiinta Badali Kara Arsene Wenger?
May 8, 2018 - Written by admin

Tababarahii hore Barcelona Luis Enrique ayaa u muuqd mid iska saaraya musharaxiinta laga yaabo iney xilka tababaranimo ee kooxda ka badalaan Arsene Wenger sida ay kusoo warameen warbaahinta Ingiriika.

Enrique oo sanadkii 2015 koobabka sadexleyda u hogaamiyay Barcelona ayaa ka mid ah dhawr tababare oo si weyn loola xiriirinayo shaqada Gunners, balse waxaa soo baxeysa calaamado muujinaya inuu qudhiisa tareenka iska tuurayo.

Luis wuxuu doonayaa in Arsenal mushaar ahaan usiiso aduun dhan 15 Malyan oo Pound sanadkii oo ka madax banaan canshuurta, waana qiimo ku qasbi kara maamulka iney gabi ahaanba isaga jeestaan arintiisa.

Sidoo kale Allegri ayaa qudhiisa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo shaqada Arsenal walow ay Juventus wadahadalo la furi doonto si ay uga dhaadhiciso inuu sanado kale sii joogo magaalada Turin.

Dhanka kale Enrique waxaa shuruudahiisa ku jirta in maamulka kooxda ay siiyaan aduun dhan 200 Malyan oo Pound si uu ugu yaraan afar ciyaartoy ugu xoojiyo kooxda isla markaana uu dusha saarto masuuliyadda wax walba oo kooxda ku yimaado.

Kaliya arinta mushaarka iyo midda suuqa ayaa sababi karta in Enrique uu gabi ahaanba waayo shaqada tababaranimo ee Arsenal.

COMMENTS
Latest News