Raadgoob.com
“Deg Deg Waa In Loo Joojiyaa Dagaalka Tuka raq” Madaxwaynaha Soomaliya Farmaajo Ayaa Sidaasi Ku Baaqay
May 15, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqayaa madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wada-hadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxaa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa in uu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

COMMENTS
Latest News