Raadgoob.com
$6.7 Milyan Doolar Ayaa la kala Siistay qalbac dheeman ah
May 16, 2018 - Written by admin

Qalbac dheemanka buluugga ah oo ah nooca dhifka iyo naadirka ah, kaas oo 300 sano ee lasoo dhaafay laga isticmaali jiray qasriyada boqortooyooyinka Yurub ayaa la kala siistay lacag dhan $6.7 milyan oo doolar.

Dheemankan ayaa lagu kala iibsaday carwo xaraash ah oo ka dhacday magaalada Geneva.

Dheemankan waxaa lagu magacaabaa Farnese Blue, waxaana hadiyad loo siiyay Elizabeth Farnese oo ahayd gabadha boqorkii Parma, kadib markii ay guursatay Philip V oo reer Spain ahaa sanadkii 1715-kii.

Kadib muddo qarniyo ah ayuu dheemankan u kala gooshay dalalka Spain, France, Talyaaniga illaa Australia.

Waxa uu cabbir ahaan dhanyahay 6.1 carat ee miisaanka dheemanka, waxaana asal ahaan laga soo qoday godadka caanka ah ee Golconda ee dalka Hindiya.

Waxaa la iibsaday 4 daqiiqo uun kadib markii ay carwada furantay, wuxuuna talaabay xadkii ugu sareeyay ee horey alaab loogu kala iibsaday carwadan oo ahayd $5 milyan oo doolar.

“Waxaan filanaynay natiijo wanaagsan, waxaan ku bilownay $3.5 milyan, balse durba waxaan gaarnay $6.7 milyan , sidaas darteed rajadii aan lahayn waan dhaafnay” ayay tiri Daniela Mascetti oo ka tirsan xarunta xaraashka.

Sida la sheegay, dheemankan waxa uu mar qayb ka ahaan jiray alaabaha boqoradii Faransiiska ee Marie Antoinette.

Qofka hadda gatay wali lama shaacinin.

COMMENTS
Latest News