Raadgoob.com
Wali Xiisad colaadeed Oo ka jirta Aaga Deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool + Maxaa Soo Kor Dhay
May 16, 2018 - Written by admin

Rasaas aan badneyn ayaa wali laga maqlayaa Aagaga ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo maalintii shalay ku dagaalamay deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool.

Xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in mar labada ciidan isku adeegsadeen hub culus, hasse ahaatee wixii ka danbeeyay salaadii subax ee saakay xaaladu u muuqatay mid degan, waloow wali dhinacyadu is hor fadhiyaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan gurmadyo ciidan oo soo kala gaaray dhinacyada iska soo horjeeda, mar walba waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dagaal leysku fara-saaro dhulka lagu muransan yahay.

Maamulka Puntland iyo Dawlada Somaliland ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii shalay dhacay oo ay ku nafwaayeen tiro ka badan 30 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii ay dirirtu dhaxmartay.

COMMENTS
Latest News