Raadgoob.com
Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Soo Saray Go’aamo Cusub Oo Ku Saabsan wakhtiyadii shaqo oo la Badalay Bisha Ramadaan Aw Geed
May 17, 2018 - Written by admin

Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxaa inoo bilowday bishii barakada badnayd ee Ramadaan, taasi oo loo diyaar-garoobayo cibaado iyo in xuska Alle dedaal dheeraad ah la geliyo.

Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda maalmahan tirsani u leeyihiin Addoomaha, sidoo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu uga faa’idaystaan inta ugu badan, waxa ay ku wargelinayaan in is beddel kooban lagu sameeyey saacadaha shaqada.

Jadwalka cusub ee bisha barakaysani waxa uu noqon doonaa sidan:
Shaqo-gelista: 8:00Am “Subaxnimo”
Shaqo-ka bixidda: 1:00Pm “Duhurnimo”

Ugu dambayn, waxa aan ugu hambalyeynayaa guud ahaan shaqaalaha dawladda curashada bisha barakada badan waxa aanan u rajaynayaa in Alle ku daro inta helaysa dembi dhaafka, naxariista iyo in Alle jidhkooda naarta ka xoreeyo.

Ku Cibaadaysta Cafis iyo Caafimaad

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

No automatic alt text available.

COMMENTS
Latest News