Raadgoob.com
Magaalada Nairobi Oo Laga Mamnuucay Dawarsiga + Maxaa Sababay
May 17, 2018 - Written by admin

Dowladda hoose ee Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in ay waddooyinka ku yaalla bartamaha magaalada ka mamnuucday dadka dawarsada.

Go’aankan kasoo baxay maamulka Nairobi ayaa lagu sheegay in ‘waddooyinka ay noqdaan kuwo ka caagan dawarsiga’

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in howlgal lagu qaqabanayo dadkaasi laga billaabo waddooyinka iyo goobaha kale.

Go’aanka looga soo horjeedo dadka ku dawarsada Nairobi ayaa looga golleeyahay soo celinta bilicda iyo kala dambaynta caasimadda.

Waxaa waddooyinka magaalda Nairobi dhooban boqolaal qof oo dawarsada kuwaas oo isugu jira carruur, haween iyo ragba.

Waxaana arrintani loo aaneeyay in saboolnimo ay ku habsatay xaafadaha qaar kuwaas oo nolol ka dhigta dawarsiga.

Madaxa fullinta ee waaxda waxbarshada, dhallinyarada iyo jinsidiyaha ee Nairobi Janet Ouko waxay sheegtay in barnaamijkan gudaha magaalada looga saarayo dadka dawarsada ayna kala kaashanayaan dowladda hoose iyo golaha qaran ee u dooda dadka naafada ah.

Dadka naafadda

Janet Ouko waxay tiri “Baryahan dambe magaalada waxaa kusoo badanayay dadka dawarsada oo meel kasta qabsaday, ujeedka howlgalkan ma aha mid maanta oo kaliya ah jiraya balse ay waan wadi doonaa si looga qayb qaato bilicda caasimadda”. ayay tiri

Sahan ay sameeyeen ayay ku ogaadeen in 80% dadka dawarsada ay yihiin dad naafa ah kuwaas oo dad kale ay waddooyinka kusoo daadinayaan si ay lacagaha ay helaan uga faa’idaysataan.

Nairobi oo lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan isbedelka cimilada

Janet ayaa sido kale sheegtay in dadka loo qabtay dawarsiga la gayn doono xarrumaha dhaqan cellinta halka dadka kale ee kasoo jeeda dalalka deriska la musaafurin doono.

Waxaa xabsiga loo taxaabi doona ganacsatada adeegsada dadka dawarsada islamarkaasna lagu soo oogi doono inay ku guda jireen howl sharci darro ah.

Guddoomiyaha qaran ee ururka naafada Kenya Maxamed Gaabow wuxuu sheegay inay jiraan lacago badan oo loogu talagalay naafada balse ay qaarkood dawarsi ka doorbidaan.

COMMENTS
Latest News