Raadgoob.com
Sawir Lagu Falan Qeeyay Inuu Yahay Dano Siyaasadeed Oo Ay Wada Galeen hogaamiyaha Ramazan Kadyrov iyo Ciyaar Yahan Maxamed Salaax
June 12, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha urur u dooda ka hortagga takoorka ayaa sheegay in hogaamiyaha Chechnya, Ramazan Kadyrov, sawirro uu la galay xidigga reer Masar ee Maxamed Salaax u adeegsaday “dano siyaasadeed”.

Xulka Qaranka Masar ee ka qayb galaya tartanka Koobka Aduunka ee kubadda cagta ayaa waxa la dejiyey garoon ku yaalla Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka ee dagaalada ba’ani halakeeyeen oo maamulka halkaa ka jira ee Kadyrov madaxda ka yahay lagu eedeeyo gabood fallo xuquuqda aadanaha ah.

Piara Power oo ah gudoomiyaha urukaas oo la yidhaa Fare Network ayaa yidhi Fifa “khalad weyn” bay gashay markii ay ogolaatay in Chechnya lagu daro goobaha ciyaartoydu degayaan.

Hase yeeshee waraysi uu sannadkii hore siiyey BBC-da ayuu Kadyrov gaashaanka ugu daruuray eedahaas. Waxaanu waagaa ku nuuxnuuxsaday in dhamaan wararka sheegaya in dad aan maxkamado la hor keenin la khaarajiyo iyo jidh dilkuba ay yihiin kuwo been ah “la falkiyey”.

Ramazan Kadyrov iyo Maxamed Salaax
Ramazan Kadyrov iyo Maxamed Salaax

COMMENTS
Latest News