Raadgoob.com
Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Michaela Keating Iyo Madaxwaynaha Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Xaalada Tuka_Raq + Maxaa Ka Soo Baxay Kulankaas
June 12, 2018 - Written by admin

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating iyo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacuul Cumar Geelle ayaa ka wadahadlay xiisadda Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland.

 

Keating oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxweynaha dalkaais, waxaana ugu horreyn uu sharaxaad ka siiyey madaxweynaha xaaladda Soomaaliya iyo sida ay hadda wax u socdaan.

Keating ayaa madaxweyne Geelle usoo jeediyey inuu kaalin ka qaato daminta xiisadda Sool, gaar ahaan dagaallada Tukaraq, maadaama dedaallo badan oo la sameeyey lagu guul darreystay.

Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay Keating in dedaal uu ku bixin doono daminta colaaddan, islamarkaana aanu jecleen ka dowlad ahaan in dhiig Soomaaliyeed daato.

Michael Keating ayaa horay ugu guul dareystay xalinta xiisadda Puntland iyo Somaliland, kadib kulamo uu la qaatay madaxda Labada dhinac.

Michael Keating Ayaa Ila Hada ka walaacsan xaalada Dagaal Ee labada dhinac inay soo noqoto

COMMENTS
Latest News