Raadgoob.com
War Deg Deg Ah: Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyayaal Haayado Nabad Sugineed
June 13, 2018 - Written by admin

Madaxwayanaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas Ayaa Xilkii Ka Qaaday Labo Ka Mid Ah Taliyayaasha Nabad Sugida Ee Hay’adaha PSS iyo PIA. Wareegtada Madaxwaynaha Ee Xilka Qaadista Ayaa Waxay U Dhig Nayd Sidan

 

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

  1. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaadayCabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).
  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Image result for c/wali gaas

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Maxamed Ducaale Cabdi

Raadgoobnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News