Raadgoob.com
“Haayada Dhawrista Tayada Qaranka Somaliland (Quality Control) iyo Waxqabadkii mudadii Uu Joogay Gudoomiye Dr: Muuse xassan X. Yuusuf. W/Q: Ugaas Cumar Jaamac Iidle”
June 14, 2018 - Written by admin

Haayada Dhawrista Tayada Jamuuriyada Soomaaliland (Quality Control) ayaa kaalin muhiim ah ugu jirta qaranka Somaliland  marka laga hadlayo shaqo ahaan kaalin muhiima taasoo shaqadeedu tahay in dhamaan waxyaabaha soo galaya iyo waxyaabaha dalka kasoo baxaya  in la  hubiyo tayadooda iyo waxtarkoodaba.

Haayada Dhawrista Tayada (Quality Control)  ayaa 22/02/2018  Digreeto Madaxweyne loogu magacaabay Dr:  Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, taasoo uu si xalaal ah  ugala wareegay Gudoomiyhii hore Cali biikoole, hadaba haayada intii hore waxaa ka muuqday dayacad far badan mana  ahayn mid sidii loo baahnaa u hawlgasha  sidoo kale hawl maalmeedkeeda shaqo ma ahayn mid sidii qaranku u baahnaa ee uu ugu xilsaaray ka soo dhalaashay.

Hadaba Tan iyo Markii Minbarka uu fuulay Maamulka iyo maaraynta Hayada Dhawrista Tayada Jamuriyda Somaliland Gudoomiye Dr: Muuse Xassan  Xaaji yuusuf, waxaa sida ileyska u iftiintay haayada Tayada Somaliland waxaana haayadu qabatay hawl waxqabad oo hir galay isla markaana sidii loo baahnaa u socoda geedi socodkii shaqo ee hayadu, Waxa uu lasoo baxay dar-dar shaqo Tallaabooyinkii waxqabad ee ugu horeeyey waxa uu ka bilaabay dhammaan xafiisyada gobolada waxaanu guud ahaan dhaqaajiyey haayada shaqadeedii gudo iyo dibaba isagoo sibinaaro iyo aqoon korodhsi u qabtay shaqaale weynaha haayada dhawrista  iyo dhamaan wakiilada gobalada dalka.

Sidoo kale waxa uu dib u habayn ballaadhan ku sameeyey (Laporotary) kii haayadu ku shaqo, geli jirtay isla markaana ahaa halbowlaha dhaqaajiya hawlaha haayada(Quality Control), waana laabka ay ku baadho badeecadaha dalka soo Dega iyo kuwa kasoobaxaba  isla markaana, ku kala ogaato tayada Alaabooyinka  dibada inooga timaada iyo ta dalka kasoobaxda waxa uu u keenay khubaro caalamiya waxaanu ku sameeyeen dib u habayn ballaadhan.

Waxaana xusid iyo Hambalyeyn mudan go’aankii kartida huwanaa ee uu ku ganaaxay labadii shirkadood ee shidaalka wasakhda leh dalka keenay, shidaalkan ayaa ay shirkaduhu soo waarideen kuna shubeen haamaha shiidaalka  ka hor intaanu Gudoomiye  Dr: Muuse Xasan Haaji Yuusuf Talada haayada DhawristaTayada   qaban, waxaanu ku sameeyey daba-gal iyo dadaaldheeri ah, waxaanu geliyey dedaal isla markaana waxa uu ugu danbeyn soo saaray Qaraar uu ku ganaxayo shirkadihii khaladkaa qaranka ka galay isla markaana waxa uu soo saaray ugu dambeyn laba shirkadood, waxaanu  sidoo kale ku qaaday ganaax adag  midkiiba uu ku ganaaxay lacag adag iyadoo labadii shirkadood mid walba uu ku ganaaxay xadi lacageed oo gaadhaya midkiiba 355,500$waxaana wadarta labada shirkadood ee laga doonaya ay tahay 711,000, taasoo uu ku faruur xidhay inay si dhakhso ah ugu shubaan khasnada dawlada.

 Gudoomiye Dr: Muuse Xasan Xaaji Yuusuf  waa shakhsiyad aqoon buuxda u leh, hawshan madaxweynaha qaranku u igmaday, sidoo kale waa shakhsiyad dhallinyaro ah, oo karti iyo kaartooyin waxqabad oo ugub ah, ku hogaaminaya hayadanTayada Somaliland (Quality Control), kaalinta muhiimka ah, ugu jirta qarankeena.Haayadan (Quality Controll) ayaa waxay Kaalin muhiima ugu jirta qaranka waxaana wakhtigan hogaanka u haya Gudoomiye  Dr: Muuse Xassan yuusuf, sidoo kale waxaana kalsooni buuxda lagu qabaa in uu qorshayaasha cusub ee dhow, Haayadan Gaadhsiin doono Heerka ugu Sareeya, waxaanay Tartan la geli doontaa dhawaan Haaayadaha dhigeeda ah, ee dawladaha Dunida koowaad.

W/Q: Ugaas Cumar Jaamac Iidle

Ugaaska dhalinyarada Gobolada Bari

Contact:0633-4439712/ 065-4439712

COMMENTS
Latest News