Raadgoob.com
SIYAASAD ARIMAHA DIBADA EE SOMALILAND: aragtida Jaamac Hilaac
June 19, 2018 - Written by admin

Guu-Guule Faal Dhigay Garanwaa Minkaw Baxay Is Baalasha Is Goo
1. Xukuumadii hore waxay ku guuldaraysatay inay ka sii qaado halkii uu kaga tagay HE Dahir Rayaale kahin
2. Waxay shegeen markii ay xukunka la wareegeen inay wada cusub u furi donaan siyaasada arimah dibada ee Somaliland waa xukuumadii hore ee kulmiyee
3. Waxay fureen wada hadalo madhalaysa oo ay ku sheegeen inay ku keeni donaan heshiis iyo ictiraaf taasina waxay noqotay hungo
4. Waxa meesha ka baxay markii la dayacay saxiibadii iyo wadamadii garab istaagi jiray jamahuurayada baraykaysan
5. Waxa ku jiray xukuumadii hore ee kulmiye xubno dilaaliin ah oo dedaal ugu jiray inay iibiyaan Somaliland taana waxa kuu cadaynay markii wadanka UK la isugu yeedhay Somaliland iyo Somalia wada hadaladii oo ay u diyaarsan yihiininay dhex dhexaad ka noqdaan waxay doorteen turki oo ka shaqaynaysa midnimad Somalia (taana waxaa lagu macneeyay ina shilimad dhaafsadeen)
6. Xukuumada hadatan jirtaa iyana way ku saaqiday mudadii koobnayd ee ay joogtay inay wax aka qabato tamar tarnida siyaasada arimaha dibada ee Somaliland
7. Waxay mar labaad hawlihii ictiraaf raadinta u igmatay nin hore ugu saaqiday oo aanay kartidiisu dhaafsiisnay maamulida shaqalaha wasaaradiisa mana aha shaqo wasiir arima dibadeed
8. Ethiopia oo aynu ku faani jirnay inay tahay saxiib wayn manta wax wayn baa iska bedelay Somaliland kamay shaqaysan umanay tagin taa badelkeeda was i wanaagsan uga shaqaystay xukuumada Somalia oo heeshiisyo badan la gashay lana filaayo inay ka heshiiyeen arinta dekeda berbara
9.Shirkii 2012 ee London ee Somaliland iyo Somalia Waxaa laga faaiday in Xukuumada Soomaliya Ay LA wareegtay maamulki hawada kaaso ay sanadki ka hesho 39million oo dollar, caqabadaha ay ka tagtay xukuumadi siilanyo waa halxidhaale u baahan in dad aqoon iyo karti u leh ay furfuraan

COMMENTS
Latest News