Raadgoob.com
Portugal Oo Kaalinta Labaad Kaga Soo Baxday Group B Iyaga Oo Xaqiijistay Booskooda Wareega 16ka Koobka Aduunka Iyo Iran Oo Spain Kaalinta Kowaad Ee Group B Ku Wareejisay.
June 25, 2018 - Written by admin

Waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay kulamadii ugu danbeeyay ee Group B iyada oo si buuxda loogu kala baxay. Xulalka qarmada Spain iyo Portugal ayaa ka soo gabaxay Group B waxayna sidoo kale ku kala baxeen kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad ee Group B taas oo micno wayn ugu fadhida kulamada wareega 16ka xul qaran ee ay soo socda.

Xulka qaranka Portugal ayaa u soo baxay wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka laakiin daqiiadii 93 aad ayay iska lumiyeen fursada ay kaalinta kowaad ee Group B ay ugu soo baxeen kadib markii ay Iran keensatay goolka barbaraha.

Portugal iyo Iran ayaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay taas oo la micno ah in Spain ay kaalinta kowaad kaga soo baxday Group B isla markaana ay Portugal kaalinta labaad ku dhamaysatay halka Iran oo kaalinta saddexaad 4 dhibcood ugu jirtay ay koobka aduunka ka hadhay.

Xulka qaranka Portugal ayaa kulankan ciyaarayay iyaga oo laba u jeedo lahaa waxayna marka hore doonayeen in ay ugu yaraan hal dhibic ama barbaro ka helaan kulankan si ay ugu soo baxaan wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka laakiin mar labaadka waxay doonayeen in ay Group B kaalinta kowaad kaga soo baxaan taas oo ay guuli ka xigtay.

Inta badan qaybtii hore kulanka Iran iyo Portugal ayaa ahaa mid aad u adag iyada oo ayna labada xul u sahlanayn in ay goolal dhaliyaan balse waxaa jiray dadaal labada dhinac ku doonayeen in ay ismari waaga ku jabiyaan.

DAQIIQADII 45 aad ee dhamaadkii qaybtii hore ee xulka qaranka Portugal ayaa ugu danbayn helay goolka furitaanka kadib markii uu xidiga ruug cadaaga ah ee Ricardo Quaresma uu dhamaystiray gool qurux badan oo uu caawintiisa ka helay Adrien Silva waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 uu Portugal hogaanka ku qabtay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Iran ayaa soo laabtay iyada oo raadinaysa goolka barbaraha laakiin xulka Portugal ayaa dhinciisa ka baadi goobayay goolka labaad si ay guusha u xaqiijisan karaan.

DAQIIQADII 50 AAD Waalida Muuqaal Caawiyaha Garsooraha Ayaa wac qastay! Garsoore Ezatolahi ayaa markii hore Cristiano Ronaldo ka diiday in uu wax rekoodhe ah helay kadib markii uu cadaadis kala kulmay Ezatolahi laakiin garsooraha ayaa go’aankiisa badalay wuxuuna u dib u eegay VAR isaga oo waqti kadib Portugal rekoodhe ku abaal mariyay.

Ciyaartoyda Iran ayaa go’aanka garsooraha ka cadhooday laakiin waxa uu kaadhka digniinta ah u taagay Hajsafi iyada oo dhawr daqiiqo ku lumeen intii uu muranku socday.

DAQIIQADII 53 AAD Cristiano Ronaldo ayaa ugu danbayn tuurtay rekoodhaha lagu abaal mariyay laakiin waxa uu ku fashilmay in uu xulkiisa ugu dhaliyo goolka labaad ee ay sida wayn udoonayeen waxaana si fiican darbadiisa u badbaadiyay goolhaye Alireza Beiranvand si uu xulkiisa wali ciyaarta ugu sii hayo oo ay rajo sii lahaadaan.

Cristiano Ronaldo ayaa iska lumiyay fursad dahabi ahayd oo uu sare ugu soo qaadi karayay gool dhalintiisa koobka aduunka iyada oo haddii uu rekoodhahan gool u sarifi lahaa uu shan gool la wadaagi lahaa Harry Kane oo gool dhalinta koobka aduunka hogaaminaya.

DAQIIQADII 81 AAD Ronaldo ayaa halis u galay in kaadhka cas oo toos ah loo taago kadib markii uu qalad ku galay xidiga ree Iran ee  Pouraliganji  wuxuuna garsooruhu dhacdadan ka eegay VAR laakiin waxa uu go’aansaday in uu kaadhka digniinta ah siiyo Ronaldo taas oo neefta ka soo saartay jamaahiirta Portugal.

DAQIIQADII 90+3 aad xulka qaranka Iran ayaa ciyaarta waqti xaasaasi ah ku soo laabtay kadib markii ay goolka barbaraha ku keensadeen rekoodhe uu dhaliyay K. Ansarifard kaas oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah oo ay wali Portugal ku soo baxsan tahay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay babraro 1-1 ah oo ay Portugal ugu soo baxeen wareega 16ka xul ee koobka aduunka halka Iran ay hadhay iyada oo 4 dhibcood lahayd waxayna Portugal ku soo baxeen 5 dhibcood iyaga oo Spain isku dhibco ah laakiin Spain ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday Group B.

COMMENTS
Latest News