Raadgoob.com
XOG: Diego Armando Maradona Oo Codsaday In Uu La Hadlo Xulka Argentina Kahor Kulanka Ugu Dambeeya Ee Group-kooda
June 25, 2018 - Written by admin

Halyeyga Argentina Diego Maradona waxaa lagu soo warraayaa in uu codsaday la kulanka xiddigaha safka dalkiisa kahor kulanka ugu dambeeyey ee Group-kooda.

Wadanka uu leyliyo Jorge Sampaoli waxa ay kaalinta ugu hooseysa uga jiraan Group-kooda kaddib markii ay 1-1 la galeen Iceland halka ay jab 3-0 ah kala kulmeen Croatia.

Waxaa la arkayey Maradona oo aad u niyad jabsan kulankii ay labada cad ka kala dhigeen Modric iyo Rakitic Argentina.

Laacibkii hore ee Napoli waxa uu si carro leh oo jahwareer ka buuxo  ugu sugnaa gegida Nizhny Novgorod oo ay dheesha ka socotay.

Sida ay warisay BBC, Maradona waxa uu dalbaday in uu la hadlo xiddigaha Argetina kahor kulanka ugu dabeeya ee ay Nigeria la dheelayaan.

Kulankaas adag ayaa dhici doona maalinta talaada waxaana qasab ku ah Argentina in ay badiyaan si ay fursad ugu helaan in ay u soo baxaan.

57 jirka waxa uu xulkiisa u qaaday koobkii aduunka ee 1986.

COMMENTS
Latest News