Raadgoob.com
Xulka Qaranka Spain Oo U Soo Baxay Wareega 16ka Xul Ee Koobka Aduunka Iyo Iago Aspas Oo Waqtigii Dheeriga Ahaa Morocco Guul Sharafeed Ka Horjoogsaday.
June 25, 2018 - Written by admin

Waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay kulamadii ugu danbeeyay ee Group B iyada oo si buuxda loogu kala baxay. Xulalka qarmada Spain iyo Portugal ayaa ka soo gabaxay Group B waxayna sidoo kale ku kala baxeen kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad ee Group B taas oo micno wayn ugu fadhida kulamada wareega 16ka xul qaran ee ay soo socda.

Xulka qaranka Spain ayaa dirqi kaga badbaaday guuldaro ka soo gaadhaysay xulka koobka aduunka ka hadhay ee Morocco oo ilaa daqiiqadii 91 aad hoganka kulankan haysay laakiin Aspas ayaa noqday geesiga La Roja guuldaradan ka badbaaday daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Xulka qaranka Spain ayaa qarka u saarnaa in ay guuldaro kala kulmaan Morocco oo doonaysay in ay guul sharafeed kala laabato koobka aduunka waxayna La Roja kaalinta kowaad kaga soo baxday Group B kadib markii ay Iran daqiiqadihii ugu danbeeyay Portugal ka horjoogsaday guul.

DAQIIQADII 14 AAD Xulka qaranka Morocco ayaa gool kaga yaabsaday Spain kadib markii Ramos iyo Iniesta ay isku qasmeen waxaana in uu dadaal sameeyo oo uu goolkan badbaadiyo isku dayay Pique kaas oo isna awoodi waayay waxaana Morocco goolkan u saxiixay K. Boutaïb.

Iyada oo Morocco xili horeba ka hadhay koobka aduunka ayaa la filayay in ay goolal badan kala kulmi karaan Spain laakiin xulka qaranka Morocco ayaa markiiba helay goolkan waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay hogaanka ugla wareegeen La Roja.

DAQIIQADII 19 AAD Xulka qaranka Spain ayaa markiiba jawaab deg deg ah bixiyay waxaana goolka barbaraha u keenay xidiga waqtiga fiican ku raaxaysanaya ee Isco kaas oo caawin ka helay Andres Iniesta oo qayb ka ahaa qaladkii goolkii Morocco waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayayna labada xul awoodin in ay wax goolal ah kala dhaliyaan taas oo keentay in barbaro 1-1 ah lagu kala nastay waxayna markan Spain ogaayeen in xulka qaranka Portugal uu 1-0 hogaanka kaga hayay Iran sidaana ay kaalinta kowaad ee Group B ugu jireen.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka qaranka Spain ayaa raadinayay goolka labaad si ay guul u gaadhaan laakiin Morocco ayaa sii wadatay iska caabinta wayn ee ay kala horyimaadeen La Roja.

DAQIIQADII 80 AAD Xulka qaranka Morocco ayaa markale ka yaabsaday Spain waxaana goolka labaad u saxiixay Youssef En-Nesyri kaas oo caawin ka halay Faycal Fajr waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Morocco culays kala ku saartay Spain.

DAQIIQADII 84 AAD Tababaraha Spain ayaa weerarkiisa ku soo xoojiyay Rodrigo wuxuuna saaray David Silva isaga oo hore u saaray Diego Costa oo uu booskiisa buuxiyay Iago Aspas waxayna Spain bilawday in ay waqtiga kooban ee u hadhsanaa ay guuldarada iska badbaadiso.

DAQIIQADII 90+1 AAD Spain ayaa ugu danbayn heshay goolka ay guuldarada iskaga badbaadisay kadib markii uu xidiga kaydka ka soo baxay ee Iago Aspas uu dhaliyay goolka ay La Roja sida wayn ugu baahnayd inkasta oo markii hore offside ahaan loo diiday laakiin VAR ayaa wax walba badalay waxayna ciyaartu noqotay babraro 2-2 ah.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 2-2 ah oo Spain ka caawisay in ay kaalinta kowaad kaga soo baxday Group B isla markaana ay wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka iskaga xaadirisay laakiin Spain waxaa sidoo kale caawiyay xulka Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay Portugal la barbareeyay.

COMMENTS
Latest News