Raadgoob.com
Akhriso: C/kariim Qalbi Dhagax Oo Sigaara ula hadlay Mar Uu Khudbad Jeedinaayay Somaliland Iyo Puntland
July 9, 2018 - Written by admin

C/kariim sheekh muuse (qalbi dhagax) oo goob xaflada ka jeedinaayay khudbad ku saabsan sidii loola dhaqmay markii la qabtay Ee la xidhay iyo sidii dadka soomaliyed uga dhiidhiyeen ee ay uga xumaaden qabashadii la qabtay ayaa qalbi dhagax waxa uu khudbadiisa kaga hadlay qaybihii danbe horumarka ay ku talaabsatay somaliland iyo dagaalka u dhaxeeyay Somaliland iyo maamulka puntland Waxaana uu ku bilaabay Sidan

“Dawlada Somaliland iyo madaxwaynaheeda muuse biixi Aad Iyo Aad Ayaan Ugu Mahad-calinayaa Sida Ay Isugu Tashadeen Ee Dalkoodi Iyo Dadkoodi Ay U Mideeyen Ee Ay Amaan koda u Sugeen

Sidoo Kalana Ay U gaadhen doorasho hal qof iyo hal cod ah sidaa darteed dadka kale ee soomaliyeed waxa la gudboon inay walaalahood kaga daydaan horumarka ay sameeyen”

Sidoo kale C/kariin Qalbi dhagax  Ayaa Labada madaxwayne ee pumtland iyo somaliland u diray fariin xarbaarsan Dardaaran Iyo Waano Waxaanu Yidhi

“Labada Madaxwayne Ee Dariska ah ee dadkoodu walaalaha yihiin dhibaatada waayahan ka dhaxaysay Ee Ka Jirtay Tuka-Raq labadaa oday waa laba oday oo dadka soomaliyed aamin sanyihiin

in Ay yihiin laba oday oo caqli badan Oo aqoon yahano ah hasayeesha waxa nasiib daro ah

hankii laga filaayay iyo maanta halka ay isdhigeen dadkaasi waxay isku haystaan hal kiilo mitir oo tuka raq layidhaahdo waxa ku dhimatay dhalin yaro walaalo ah oo gabdho iyo ragba leh

waxa ku goblamay waalid ilmihiisi ku dhintay waxa ku agoomawday caruur yaryar oo soomaliyeed

waxa ku rajawday caruur yaryar oo soomaliyeed”

Gabagabadii c/kariin qalbi dhagax ayaa labada madaxwayne Ee somaliland iyo putland ugu baaqay inay iska dhaafan dagaalka ay dadkooda ku wadaan Ee khasaaraha badan ku sababay

Ee Dadkii Deegankaas Ku Sugnaana Kubara Kaceen hadidoodina ku burburtay

 

Maxamed Ducaale Cabdi .Raadgoob.com

Haegaysa Office

 

 

COMMENTS
Latest News